Manchester City Oo Rikoodh Ka Dhigtay Premier League | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Manchester City Oo Rikoodh Ka Dhigtay Premier League
May 13, 2018 - Written by Reporter:

Manchester City ayaa ku soo gunaanaday Premier League gool ay  u dhibtootay kaddib markii ay 1-0 kaga badisay Southampton.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii lagu gudoonsiiyey Etihad koobka balse ahmiyad kale ayuu u lahaa kulankan.

Hore ayey jabisay rikoodhkiisa dhibcaha ugu badnaa ee Premier League kaddib markii ay Brighton garaacday iyada oo laba dhibcood ka saramartay Chelsea oo 95 dhibcood ku qaaday.

Balse, galabta waxa ay xidhatay 100 dhibcood oo ah sooyaal aan hore u dhicin.

DdFpbpZXUAAxQNr-1

 

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo koobaynaa rekoodhada khaaska ah ee ay Manchester City xili ciyaareedkan ka soo dhigtay Premier league iyada oo aan lagu darin rekoodhada Guardiola khaaska u ah ee uu soo sameeyay:

1- Kooxdii Abid 32 kulan oo Premier League Ah Soo Guulaystay Hal Xili Ciyaareed.

2- Kooxdii Abid ugu horaysay ee 100 dhibcood oo horyaalka heerka kowaad ee England ah ku dhamaystay.

3- Kooxdii ugu horaysay ee abid 18 kulan oo xidhiidh ah soo guulaysatay Premier League.

4- Kooxdii ugu horaysay ee 16 guulood oo Premier league ah banaanka ku soo gaadhay.

5- Kooxdii ugu horaysay ee xili ciyaareedka dhamaysatay iyada oo 19 dhibcood ka saraysa kooxda kaalinta labaad.

6- Kooxdii ugu horaysay ee xili ciyaareedka ku dhamaysatay farqiga goolasha ugu badan oo +79 gool ah.

7- Kooxdii ugu horaysay ee 106 gool ka dhalisay hal xili ciyaareed oo Premier league ah.

Dhamaan rekoodhadan ayaa noqon doona kuwo xataa u adkaan doona in Manchester City lafteedu ay ku celin karto maadaama oo ay yihiin kuwo aad u adag in la gaadhaa laakiin waxaa hadda taariikhdan ku suntan Guardiola iyo kooxdiisa Sky Blues ee Championska England ee xili ciyaareedkan.

COMMENTS
LINKS