Taariikh Nololeedkii Ambasador Cabdiraxiim Caabi Faarax Oo Ahaa Qofka Kaliya Ee Somali Ah Ee Noqday Ku-xigeenka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikh Nololeedkii Ambasador Cabdiraxiim Caabi Faarax Oo Ahaa Qofka Kaliya Ee Somali Ah Ee Noqday Ku-xigeenka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay.
May 14, 2018 - Written by Editor:

Hargaysa (W,N)- Alle ha u naxariiste waxaa Magaalada New york ee dalka Maraykanka ku geeriyooday Ambasador  Cabdiraxiim Caabbi Faarax ahaa Xilal kala duwan kasoo qabtay Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland Iyo somaliyaba.

Sidoo kale Marxuum Cabdiraxiim Caabi Faarax wuxuu xilal kala duwan ka qabtay Haayada Qaramada Midoobay oo uu ka Gaadhay darajada  xoghaye kuxigeenka  guud ee qaramada midoobay.

Cabdi2

Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu ku dhashay 22 october 1919 Degaanka barri ee Gobolka Wales ee UK Waxbarashadiisii Yaraantiisii wuxuu ku qaatay university college Exeter, markii dambena wuxuu ku dhamaystay waxbarashadiisa sare jamacadda Oxford ee England.

Cabdi1

Maamulkii British Somaliland ayuu shaqaale ka soo noqday isagoo ka soo qabtay jagooyin kala duwan.

1951-1960 waxaa jirtay mar uu noqday Cabdiraxiim Caabbi Faarax agaasimaha idaacadda Radio Hargeysa xilligii gumeysigii ingiriiska.

Cabdiraxiim Caabbi Faarax xornimadii 1960kii wuxuu noqday safiirkii ugu horeeyay ee somaliya u fadhiista dalka Ethiopia magaalada Addis Ababa 1961-1965.

1965-1972 Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu ahaa Wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya , isagoo weliba mudadii u dhaxaysay 1969-1972 ahaa gudoomiyihii gudigii la dagaallaanka midab-kala-sooca ee xornimadii dalka Koonfurta Afrika u halgamaayay.

Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu 1973-1978 wuxuu ahaa kaaliyaha xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

1979-1990 Cabdiraxiim wuxuu ahaa ku-xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay , waana qofka keliya ee soomaali ah ee derejadaa gaadhay.

Magaalada Hargeysa oo uu u yimid cabdiraxiim qaxootigii faraha badnaa ee soomaaliyeed ee ka soo qaxay dagaalladii Soomaaliya iyo

Muddadii ka danbeysay xilligaasi, Cabdiraxiim Caabbi Faarax wuxuu noqday hawlgab, laakiinse kuma joogsan sidaasi ee wuxuu 1991 hargeysa ka asaasay xarunta lugaha iyo gacmaha macmalka ah loogu sameeyo dadka miinada iyo dagaalladu ay naafeeyeen oo haatan bisha casi gacanta ku hayso.

Cabdiraxiim Caabi Faarax wuxuu ka dhashay qoys caan ah oo ay ka mid ahaayeen Cabdillaahi Caabbi Faarax, iyo Cabdiraxmaan Caabbi Faarax oo muddo dheer madax ka ahaa laanta afka soomaaliga ee BBC.

Sida qoyska alla ha u naxariistee Cabdiraxiim Caabi Faarax xaqiijiyeen waxaa lagu aasayaa dalka mareykanka oo uu ku geeriyooday.

COMMENTS
LINKS