Maxamed Saalax oo rikoodh cusub dhigay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxamed Saalax oo rikoodh cusub dhigay
May 14, 2018 - Written by Reporter:

Maxamed Salaax ayaa ka dhigay rikoodh cusub horyaalka Ingiriiska ayadoo kooxda Liverpool ee uu u ciyaaro ay boos ka heshay xilli ciyaareedka soo socda ee Horyaalka kooxaha Yurub kadib markii ay ka badisay kooxda Brighton, ayadoo tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp uu rumaysan yahay in uu hormar intaas ka balaadhan uu samayn karo.

Qaab ciyaareedka Liverpool ay kusoo bandhigtay garoonkeeda Anfield ayaa ahaa mid aad u wanaagsan, ayadoo Liverpool ay isu diyaarinayso kulanka kama dambaysta ah ee horyaalka kooxaha Yurub ee ay kala hortagayso 26ka bisha may kooxda Real Madrid.

958072198

Klopp ayaa yidhi ” Way noo wanaagsan tahay inaan helno labo toddobaad oo nasasho ah, diyaar baanu unahay ciyaarta kama dambaysta ah. Dhab ahaantii Kooxdaan ciyaartoyda ah way istaahilaan arrintaas. Waxayna u gudbayaan heerka kuxiga ”

Maxamed Saalah ayaa ku guulaystay kabaha dahabka ah, isagoo noqday ciyaar yahanka ku gool dhalinta badan horyaal Ingiriiska. isagoo sidoo kale ku guulaystay abaalmarinta ciyaar yahanka ugu wanaagsan horyaalka. Wuxuuna farxaddiisa la qaatay xaaskiisa iyo gabadhiisa yar.

 

COMMENTS
LINKS