TACSI MADAXWEYNE | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
TACSI MADAXWEYNE
May 14, 2018 - Written by Reporter:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka,  aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  Marxuum Cabdiraxiim Caabi Faarax oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 14/05/2018, dalka maraykanka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey diblumaasi, waayo arag ah oo taariikh ma guuraana ku leh caalamka iyo dadka ku hadla afka Soomaaliga meel ay joogaanba, isagoo marxuumku soo qabtay 1961-1965 xilka safiirkii ugu horeeyay ee dalkii soomaaliyeed u fadhiyey Dalka Ethiopia, 1965-1972kiina wuxuu noqday wakiilkii qaramada midoobay ee dalkii la isku odhan jiray soomaaliya, 1973-1978 wuxuu noqday kaaliyaha xoghayaha guud ee QM, 1979-1990  wuxuu noqday ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka,  aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

Aamiin Aamiin Aamiin

 

  Maxamuud Warsame Jaamac

 

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.

 

COMMENTS
LINKS