“Dagaal Moorgan Hogaaminayo Marna Dhex Ka Noqon Mayno”.Siyaasi Mustafe Shiine | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dagaal Moorgan Hogaaminayo Marna Dhex Ka Noqon Mayno”.Siyaasi Mustafe Shiine
May 15, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N)- Badhasaabkii hore Gobolka Maroodi jeex Mustafe Cabdi Ciise Shiine oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Waraysi gaar ah siiyay Shabakada Wajaalenews.net ayaa waxa uu si adag uga hadlay Weerarkii Gaadmada ahaa ee ay saaka Maamul Goboleedka Puntland iyo Dawlada Xamar oo isku dhinac ahi ay ku soo qaadeen Ciidaanka Qaranka Somalilad ee jiida hore  Waxaanu bulshada reer Somaliland u soo jeedinayay inay ka midoobaan gardarada lagu soo qaaday qarankoodii ku fadhiyay dhiigii geesiyada. “Marnaba dhex ka noqon maynu daawana mayno dagaal Somaliland lagu soo qaaday oo uu Moorgan hogaaminaayo”

 

Dhanka kale Siyaasi Mustafe Shiine ayaa waxa uu ka hadlay colaada ka taagan Deegaanka Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag isagoo sheegay in si nabad geliyo ah loo xaliyo Colaada soo noq noqonaysa ee Deegaanka Ceel-afwayn.

“Shaqaaqoyinka dhexdeena waxa aan jecelahay in lagu xaliyo si nabadgelyo ah oo dawladnimo ayku dheehan tahay, Waxaanan madaxweynaha u soo jeedinayaa inuu ka noqdo haduu jiro amarka lagusoo qabanaayo Kornayl Caare, si xaalada cagta loogu dhigo, islamarkaana wixii denbiya ee dhacay dib looga wada hadlo”

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

 

COMMENTS
LINKS