WAJAALE NEWS
Xalka Colaada CEEL-AFWEYN (5 Qodob): Ku Socota Madaxweynaha Somaliland
May 15, 2018 - Written by Reporter:

Mudane Madaxweyne arrinta Colaada Ceel-Afweyn kama adka ama kama  weyna dagaaladii sokeeye ee dalku soo maray. Gudidii Xeer-Beegtida ahayd ee nabadaynta ka dhaliyay beelaha Somaliland sida Shirarkii Borama, Hargeysa, Berbera, Sheekh, Burco, Ceerigaabo. Waxay waxay ahayd Odey Dhaqameed lagu kalsoon yahay  garta iyo Go’aankooda. Wakhti iyo Maal bandanna ku baxay  samirkeedana way lahaayeen.

Mudane madaxweyne marka dib loo eego sida ay Guurtidu hawshaa adag uga soo baxeen waxa kuu soo baxaysa waa iyaga oo samir iyo wakhti badan u huray, duurka u seexday. Ta labaadna ay ahayd in wax kasta oo guurtida ku baxaaya ay labada dhinac ka masuul oo marti loo ahaa.

Hadaba anigu waxa aan ku talin lahaa Shantan Qodob:-

 

  1. In la sameeyo Guddi Xeer-Beegti ah oo adag isla markaana kalsooni buuxda lagu qabo oo laga ilaaliyo in lagu farogeliyo hawshooda, Gudidaas oo samir/dulqaad u leh wakhti kasta oo ay qaadanayso hawshani.

 

  1. Si arrinta looga sal gaadho oo colaada loo soo afjaro, Dawladu keliya waa in ay qabanqaabinta Gudida mooyaane aanay wax talo iyo taakulo ah siinin Xeer-Beegtida si ay madax bannaani u dareemaan.

 

  1. In wax kasta oo lagu heshiiyo la fuliyo isla markaana  ay Xeer-Beegtidu  ku ilaaliso laba dhinac wixii lagu heshiiyay.

 

  1. Ciddii jebisa wixii lagu heshiiyana Xukunkeeda/Ganaaxeeda ay Xeer-Beegtiduyeelato.

 

  1. Waa in Xooga iyo Xooolaha ku baxayaa Xeer-Beegtida marti looga ahaado labada Beelood iyo Bulsho weynta Somaliland.

 

 

 

 

 

Allah Ha Sahlo

 

Qalinkii: Maxamed Siciid Cali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews