Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dagaalka Tukaraq Iyo Ciidamada Somaliland Oo Gaadiidka Ugu Tirada Badnaa Iyo Maxaabiis ka Qabsaday Ciidanka Somaliya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Dagaalka Tukaraq Iyo Ciidamada Somaliland Oo Gaadiidka Ugu Tirada Badnaa Iyo Maxaabiis ka Qabsaday Ciidanka Somaliya.
May 15, 2018 - Written by Editor:

TUKARAQ (W,N) Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool ayaa waxaaSsaaka weerar kusoo qaday Ciidamada dawlada somaliya kasoo Laga soo ururisay qaarkamida       Gobolada Somaliya kuwaasi ciidamada somaliland dhibaaxo culus ku dhufteen islamarkaana ay jabiyeen,

Hadaba wararka aanu ka helayno goobihii uu dagaalku ka dhacay saaka  ayaa sheegaya in ciidamada somaliland ku Ruqaansadeen fadhiisimadii ay kasoo duuleen ciidamada Huwanta ah ee somaliya kuwaasi oo hada Ay ku sugan yihiin ciidamada somaliland, Iyadoo Wararka dheeraadka ah ee aanu haleynaa  Intaa ku dareen  In fadhiisinka   Biyo Macaane ee ay kasoo duuleen Ciidamada somaliya Ay Hada gacanta ku hayaan Ciidamada Qaranka Somaliland.

Dhanka kale ciidamada somaliland ayaa ka qabsaday 6 lix gaadhi oo kuwa Dagaalka ah  Iyo Hal kaare.

Halka ay khasare dhimasho iyo dhaawac isku jira gaadhsiiyeen iyagoo  gacanta ku dhigay  boqolaal ciidan ah oo Maxaabiis ah Kuwaasi oo faliyo In ciidamada somaliland soo badhigi doonaan

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Guri barwaaqo ayaa faah faahin Dheeraada ka bixiyay Duulaanka ay somaliya kusoo Qaaday Ciidanka somaliland Ee ku sugan tukaraq  isagoo sheegay in hada ay ciidamada somaliland gacanta ku hayaan fadhiisimadii ay kaga soo duuleen ciidamada huwanta ah ee somaliya .

HALKAN KA DAAWO WASIIRK WARFAAFINTA SOMALILAND OO ARIMAHA DAGAALKA KA HADLAY;

 

https://youtu.be/TBT8bVoDC6o

 

COMMENTS
LINKS