Hay’adda Caalamiga Ah Ee Amnesty International Oo ka Hadashay Xadhiga Buur-madow iyo Maxamed Kayse | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda Caalamiga Ah Ee Amnesty International Oo ka Hadashay Xadhiga Buur-madow iyo Maxamed Kayse
May 16, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N)- Hay’adda u dooda xuquuqda bani’aadamka ee magaceeda la yidhaa Amnesty International ayaa qoraal ay soo saartay waxay ku sheegtay in Boqor Buurmadow la xukumay iyada oo aan wax difaac ah aanu helin. “Garsoore Axmed Dalmar Ismaaciil wuxuu u diiday {Boqor Buurmadow} inuu qareen helo iyo inuu is difaaco, inkasta oo uu marar badan sidaas codsaday.” Ayay tidhi Amnesty. Sidoo kale waxaay warbixintu sheegtay in Maxamed Kayse Maxamuud lagu xukumay qoraal uu Facebook ga dhigay oo uu ku sheegay madaxwaynaha local.

Amnesty International waxaay sheegtay inaay ka walaacsan tahay in Boqor Cismaan Buurmadow iyo Maxamed Kayse Maxamuud lagu xukumay aragtidooda oo ay dhiibteen darteed. Ugu danbaytnii waxay ka codsatay Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso.

 

Halkan Hoose Ka Akhriso Warbixintii Ay Soo Saartay Amnesty Oo Dhamaystiran.

 

 

amnest internationamnest internation2

 

 

COMMENTS
LINKS