Wargeyska The Observer Oo Shaaciyey In Somaliland Aqoonsi Ka Doonayso Dalka Uganda, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wargeyska The Observer Oo Shaaciyey In Somaliland Aqoonsi Ka Doonayso Dalka Uganda,
May 16, 2018 - Written by Editor:

Uganda (W,N)- Wargeyska The Observer ee ka soo baxa dalka Uganda, ayaa daabacay in dawladda Somaliland ay waddanka Uganda ka dalbatay aqoonsi, isla markaana ay kala xaajoonayso  sidii ay qunsuliyad uga furan lahayd magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

UGAANDHA AQOONSI

Wargeyska The Observer ayaa war  uu daabacay Salaasadii wuxuu ciwaan uga dhigay “Somaliland oo Aqoonsi ka Doonaysa Uganda,” siday   wakaaladda wararka Somaliland ee (SOLNA) ka soo xigatay wargeyskaas.

The Observer wuxuu sheegay in Somaliland  oo ku taalla Geeska Afrika uu  xornimadiisa ka qaatay Ingiriiska sannadkii 1960kii, waxyar kadibna la midowday Soomaalidii Talyaanigu xukumi jiray. Wargeysku wuxuu  xusay in  midowgaasi uu burburay sannadkii 1991kii, waxaanay Somaliland ku dhawaaqday inay madax-bannaanideedii kala soo noqotay Soomaaliya.

Wargeysku wuxuu   weriyey inay Somaliland danaynayso inay waddanka Uganda ka mid noqdo  dalal u cilaaqaad diblomaasiyadeed la leh  Somaliland oo ay ka mid yihiin  Itoobiya, Kenya, Koonfur afrika, Jabuuti, Belgium, UK, Faransiiska iyo Koonfurta Suudaan.

Wakiilka Somaliland ee Uganda, Dr. Mustafe Cawil ayaa caddeeyey  inay Somaliland doonayso inay xafiis qunsuliyadeed ka furato Uganda  si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta reer Somaliland gaar ahaan ardayda  ku sugan magaalada Kampala ee caasimada Uganda.

Dr. Mustafe Cawil  wuxuu intaas ku daray inay dawladda Uganda u qoreen waraaq ay kaga dalbanayaan inay fiiseeyaan baasaboorka Somaliland.

Wasiirul-dawlihii hore ee xafiiska madaxweynaha Uganda u qaabilsanaa la socodka dhaqaalaha, Mr. Henry Banyenzaki, ayaa wargeyska The Observer u  sheegay in midowga Afrika uu qalinka ku duugay heshiiska aaga ganacsiga xorta ah ee Afrika (Africa Free Trade Zone agreement) oo Somaliland-na qayb ka noqon doonto heshiiskan.

Guddoomiyaha xisbi-xaakimka Uganda Mr. Robert Mwesigwa, ayaa ku dooday in Somaliland ictiraafkeeda ku raadsan karto siyaasad ku wajahan masaalix dhaqaale.

HALKAN KA EEG WARBIXINTA WARGAYSKA

http://observer.ug/news/headlines/57674-somaliland-wants-uganda-recognition.html

XIGASHO WARGAYSA THE OBSEVER

COMMENTS
LINKS