“Madaxweynaha Waxaan Usoo Jeedinayaa Arrinta Ceel-afweyn Ee soo Noq Noqonaysaa In Aanay Tii Ceel Bardaale Oo kale Kugu Noqon” Muj Aadan Ruush | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Madaxweynaha Waxaan Usoo Jeedinayaa Arrinta Ceel-afweyn Ee soo Noq Noqonaysaa In Aanay Tii Ceel Bardaale Oo kale Kugu Noqon” Muj Aadan Ruush
May 16, 2018 - Written by Editor:

Qiimeynta Siyaasadda Dalka! Qalinkii Siyaasi Aadan Ruush.

 Muddo shan bilood ah ayaa laga joogaa markii doorasho xalaal ahi dalka ka dhacday. Illaa haddana geedi socodka hoggaaminta dalku ma xuma, inkasta oo aan dhaliilo la waayayn.

muj-aadan-ruush-

Markii go, aankii kama danbaysta ah maxkamaddu ku dhawaaqday xisbiyadda mucaaridka ahina waay hambalyeeyeen madaxweynaha shannaad ee qarranka jamhuuriyadda soomaaliland mudane muuse biixi cabdi, waana habkii aan ku soo caano maalnay ee jamhuuriyadda soomaaliland lagu yaqaanay ee marxalada aaynu maanta marayno ku soo gaadhnay.

Ka dib waxaa bilaabmay dhaqdhaqaaq shir-beeleed oo ay doonnayaan beesha galbeedka burco iyo ceerigaabo inay qabsadaan, shirkaasi mid dhaqan iyo mid siyaasadeedba wuu noqon karraa, labada weji ee shirku yeelan karaaba waa caadi beel aan shir beeleed qabsanina beelaheena kuma jirto.

Siddaas awgeed, beeshani waa beel baaxad weyn leh oo talo ku nool ah. Beelaha udub dhaxaadka jamhuuriyadda soomaaliland u ahna ka mid ah. Wax cabsi ah oo shir beeleedkaasi leeyahayna innuu jiro ma qabo.

Beeshani sidda lagu yaqaan waa beel adkaysi iyo dulqaad badan, waxyaabo aan beelaha qaarkood haddii ay ku dhici lahayd laga yaabo in aanay soomaliland maanta ka mid ahaadeen, ayaa ay beeshan garxajis ka soo dabaalatay, sidda dagaalkii sokeeye ee (1995-kii).

Waxaa kale oo taariikhda in la xuso mudan ka hor 1960-kii in beeshani dhul deeggaameedkeedii gaadhsiiyeen waqtigii is riix-riix deeggaameedka xorriyad ku dhegii (1960-kii) ka horeysay.

Maantana shirka ay u ballansan yihiin guul iyo wax soomaaliland dhidibada u aasaya mooye wax xumi kama soo baxayo. Madaxweynaha qarrankana waxaan xasuusin lahaa inuu abaabulka shirka iyo wax garadka beeshaba ku dhawaado arrimahooda iyo tabashooyinkana wixii macquul ah xaliyo

Ugu danbeyn waxaan Madaxweynaha usoo jeedinayaa Arrinta Ceel afweyn Ee soo Noq noqonaysaa in Aanay tii Ceel Bardaale Oo kale Kugu Noqon, Xalkeedu waxaa weeyi in Dhammaan Cidda hurineysa la qabto.

Ka dibna labada dhinac ee is khilaafsan in guurti iyo waxgarad ka madax bannaan labada dhinacba loo saaro lana dhaariyo in aay xalka arrintan ka daacad yihiin. Go’aamada aay soo gaadhaan ergadaasina cidda jebisa dhammaan xukumadda iyo beelaha reer soomaliland ay meel uga soo wadda jeedsadaan si dhab ahna ay u wadda hirgaliyaan meel wadda markooda.

Alle subxaana wa tacaala xaqa ha ina garansiiyo, kitaabka iyo sunahan ha loo noqdo oo Alle aynu ka cabsano.

Allaa Mahad Leh

W/Q:Muj Aadan Maxamuud Diiriye (Aadan Ruush)

 

COMMENTS
LINKS