Samaha Caafimaad Ee Soonka. W/Q: Cabdixakiim Maxamuud “Ubaxle” | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Samaha Caafimaad Ee Soonka. W/Q: Cabdixakiim Maxamuud “Ubaxle”
May 16, 2018 - Written by Editor:

Soonka macnihiisu waa in aad cunista iyo cabbista  iska dayso waaga galacdiisa ilaa gabbalka dhiciisa. Waa amar Sarreeyuhu ku addoonsaday aadamaha. Waa rukun ka mid ah tiirarka Islaamka iyo cibaado ku jirtay diimaha samaawiga ah oo dhan. Waa shaqo Suubbanuhu (NNKH) ammaanay sareedadeeda. Waa  gallad Eebbe oo godka ka dib jannada lagaga xaroodo afaaf aan cid kale ba loo furin. Waa cibaado ciddii fashaa jannada kaga xarooto ilinkii Cokanaanta “baabu Rayaan”.

Si kastaba ha ahaado, abaalmarin qaaliyana aakhira ha lagu mutaystee, ifka waxa uu ku leeyahay aayatiin loo aayo. Sida ay culimada sayniska iyo cilmibaadhaysaasha caafimaadku isku wada raacsanyihiin, soonku waxa uu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo aan weli laga salgaadhin. Soonku sida uu u muuqdo saamayn ka weyn ayuu jidhka iyo naftaba ku leeyahay. Wixii indho arkaan ayey ilko gooyaane bal nala dhugo dhowrkan tusaale ee soo socda.

  1. Soonka iyo Dhimidda Miisaanka

Miisaanka ama culayska qofka oo bataa (MBI > 30kg/m2) waxa uu horgale muhiim ah u yahay in ay qofka haleelaan xanuunnada ugu khatarta badani, sida wadne xanuunka iyo macaanka oo kale. Dhimidda culayska ayaa ah talo caafimaad oo lagaga hortago cudurradaa aadka u halista badan. Haddaba soonka ayaa kaalmaha hore kaga jira hababka miisaanka loo rido. Daraasado xilliyo kala danbeeyey la daabacay oo ay u danbaysay mid ay daabacday JAMA Internal Medicine, 1dii July, 2017, ayaa muujiyey sida fudud ee soonku uga qayb qaato dhimidda miisaanka.

Soonku sida uu u dhimo miisaanka waxa loo hayaa sharraxaado farabadan. Mar soonku waxa uu qofka ku kallifaa in uu u isticmaalo tamar ahaan duxdii, fats-kii, jidhka ku kaydsanayd ee sababaysay cayilka, maadaamo sonkortii, glucose-tii, hore loo isticmaalay. Mar kale soonku waxa uu kordhiyaa hoormoonka korriinka, growth hormone. Hoormoonkan oo jidhku u soo saaro si dabiici ah ayaa waxa uu ka qayb qaataa burburinta duxda. Taasoo iyana sababta in duxdii jidhku hoos u dhacdo miisaankii qofkuna yaraado. Dhanka kale, hoormoonka koridda ee la badiyo xilliga soonku waxa uu kor u qaadaa awoodda muruqyada. Tani waxa ay ahayd sababta orodyahannada loogula talin jiray in ay xilliga tababarka cuntada iska joojiyaan; soomaan, xilliga ciyaartana isticmaalaan cunto barootiin badan leh.

  1. Soonka iyo Macaanka

Macaanka oo ah cudurka sagaaleed ee sababa dhimashada ugu badan dunida, wax dawo ah oo lagaga bogsadana aan loo lahayn, ayuu soonku ka hortagaa. Cilmi baadhis ay qortay World Journal of Diabetes  oo lagu daabacay degelka NCBI, 15kii April, 2017, waxa ay caddaysay in soonku hoos u dhigo sonkorta iyo duxda jidhkaba, taasoo kahortag u ah macaanka nooca labaad. Daraasad kale ayaa iyana ku dartay in soonku yareeyo cufka xubnaha bogga ku jira, visceral mas, kordhiyana shaqada insuliinta, increase of insulin sensitivity. Tan ayaa soonka ka dhigaysa in uu si laxaad leh uga hakiyo macaanka nooca labaad dadka u nugul, pre-diabetics. Sidoo kale daraasado lagu tijaabiyey jiir macaan leh, ayaa iyana xaqiijiyey in soonku hoos u dhigo kelyo fadhiisiga uu sababo macaanku. Xogaha isasoo taraya iyo xidhiidhka ka dhexeeya macaanka iyo soonka ayaa aan weli dhammaan oo cilmibaadhisyo xawliyihi ku socdaan.

  1. Soonka iyo Xanuunnada Wadnaha

Haa wadnaha. Soonku waxa uu yareeyaa noocyada kala duwan ee duxda, cholesterol, triglycerides, LDL, ee buuxiya ama cidhiidhiga geliya xididdada dhiigga guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa wadnaha waraabiya. Tani waxa ay keentaa in qofka soomaha ahi ka baaqsado noocyo badan oo xanuunka wadnaha ah.

  1. Soonka iyo Xanuunnada Maskaxda

Cilmibaadhis uu gadhwadeenka yahay barasare Mark Mattson oo climiga neuroscience ka dhiga jaamacadda Johns Hopkins School of Medicine, ayaa sheegtay in soonku maskaxda ka difaaco, dib u dhigo xilliga dhicistiisa, yareeyana khatartiisa, cudurrada dareenwadayaasha maskaxda burburiya, neurodegenerative diseases, sida asaasaqa, Alzheimer’s disease iyo baarkinsonka, Parkinson’s disease. Waxa ay xuseen in soonku kor u qaado xasuusta iyo dareenka, mood-ka, qofka. Daraasado kale waxa ay ku dareen in xilligan maskaxdu soo saarto maaddo loo yaqaanno endorphin taasoo qofka ku abuurta dareen farxadeed iyo degganaan, halka ay cilmibaadhayaal kale aaminsanyihiin in soonku sababo in la sameeyo unugyo cusub, new nerve cells and synapses.

  1. Soonka iyo Gabowga

Soonku waxa uu jidhka ku caawiyaa in uu is nadiifin iyo dayactir dib iskugu sameeyo. Soonku waxa uu kor u qaadaa habka loo yaqaanno autophagy, kaasoo jidhku ku burburiyo meeshana kaga saaro unugyadii iyo  protein naddii xumaaday. si aanay dhaawac iyo dhib jidhka ugu gaysan. Soonku waxa uu yareeyaa caabuqyada iyo waxa loo yaqaanno oxidative stress kaa soo gabowga iyo cudurrada dabadadheeraadaba laga dhaxlo.

  1. Soonka iyo Kansarka

Alle kuguma keenee kansarku waa xanuun dunida halxidhaale ku noqday, tab iyo xeel taabbogal ah oo lagula tacaalana aan weli loo hayn. Waa xanuunnada dhimashada ugu badan sababa dunida, sannad walbana malaayin qof u dhintaan. Sidaas oo ay tahay, ilaa xilligii Hippocrates waxa la yaqaannay doorka uu soonku ku leeyahay kansarka. Maan Hippocrates iyo Plutarch laga haynin “instead of using medicine, rather fast a day; halkii aad dawo ka isticmaali lahayd, maalin uun soon?” Daraasado kale oo la sameeyey intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2013 ayaa iyana xaqiiyey in uu soonku hakiyo socodka kansarka noloshana a kor u qaado.

Sida uu soonku kansarka wax uga taro dhowr siyaabood ayey saynisyahannadu ku macneeyeen. Mar soonku waxa uu ka qaybqaataa in unugyada difaaca jidhka dib loo soo nooleeyo, immune regeneration. Mar kale soonku waxa uu kor u qaadaa waxtarka dawada kansarka. Marna soonku waxa uu yareeyaa saamaynta taban ee ay jidhka ku yeeshaan  dawooyinka kansarka loo adeegsadaa, reduction of adverse effect of cancer chemotherapy.

Gabagabadii, soonka ayaa ka sakow in uu yahay cibaado Caadilka lagu caabudo, Jahannama iyo naartana lagaga badbaado, janno iyo naxariisna lagu helo,  waxa uu dunida guudkeeda ku leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo la mahadiyey. Soome,  soomaa badhaadhay.

Tixraacyo

  1. https://www.health.harvard.edu/heart-health/not-so-fast-pros-and-cons-of-the-newest-diet-trend
  2. https://draxe.com/benefits-fasting/.com
  3. https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC5394735/
  4. https://www.healthline.com/nutrition/10-health-benefits-of-intermittent-fasting#section10/.com
  5. https://www.canceractive.com/cancer-active-page-link.aspx?n=3408&title=Fasting-To-Cure-Cancer

W/Q: Cabdixakiim Maxamuud Maxamed “Ubaxle”

Email: ubaxle959@gmail.com

COMMENTS
LINKS