Dalka Burundi Waxa Ka Dhacaysa Darasho Xilka Loogu Kordhinayo Madaxwayne Pierre Nkurunziza . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Burundi Waxa Ka Dhacaysa Darasho Xilka Loogu Kordhinayo Madaxwayne Pierre Nkurunziza .
May 17, 2018 - Written by Wariye:

_101600636_fe8c5b12-72ab-40c2-a62b-7d472aaef1e8Hargeisa(WJN):-Dadka Burundi maanta oo Khamiis ah waxa ay codkooda ka dhiiban doonaan afti la doonayo in lagu kordhiyo mudada madaxweynaha oo looga dhigo 7 sano.

Haddii dadka dalkaasi ay ansixiyaanna, Madaxweyne Pierre Nkurunziza, ayey suuragal tahay inuu dalkaasi sii hogaamiyo ilaa 2034-ta.

Hasayeeshee ololaha aftida ayaa waxaa hareeyay mucaaradka oo ku goodinayay inay qaadacayaan natiijada ka soo baxda iyo weliba eedo ah inay jireen tacaddiyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo iyadoo loo hanjabayay ciddii ka soo horjeesataa codbixinta.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka walaacsan tahay suuragalnimada in qalalaase baahsan ay dalkaasi ka dhacaan, kaddib markii dhawaantan la dilay 26 qof oo rayid ah.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza iyo xisbigiisa haya talada dalkaasi ayaa usoo durbaan tumayay sidii ay taageero ugu heli lahaayeen aftida loo qaadayo dastuurka ee uu muranka badan ka taagan yahay.

Taageerayaashooda ayaa sheegaya in codbixinta ay sii habeyn doonto un dastuurka.

Hasayeeshee kuwa ka soo horjeeda ayaa u arka inay tahay un nin doonaya inuu dastuurka u adeegsado inuu xilka ku sii dheganaado.

Muddo xileedka saddexaad ee uu haatan dalka ku maamulayo Mr Nkurunziza ayaa laf ahaanteeda uu muran ka taagan yahay.

Go’aankiisii ahaa inuu xilka u tartamo iyo guushii 2015-kii ayaa waxa ay horseedday inay dalka Burundi ka dhacaan dibadbaxyo, iskuday afgambi iyo qulqulatooyin ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 700 oo qof halka in ka badan 400,000 oo qofna ay dalka isaga qaxeen.

Xilligaas ayaa taageerayaasha madaxweynaha waxa ay ku doodayeen in muddo xilkeedkiiisii koobaad uusan tirada ku jirin maadaama baarlamaanka un uu doortay oo dadweynuhu aanay u coddeyn.

Haatan haddii ay dadka u codeeyaan HAA waxaa suuragal ahba in madaxweynaha uu xilka sii hayo tan iyo 2034, xilli uu sii kordhayo walaaca laga qabo dowliidda ee ah inay sii noqonayso mid cadaadis un uu maanka ka maray.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegaytay in dadka ka soo horjeeda aftida la cabsigeliyay, la xiray sidoo kalana la garaacay.

Hasayeeshee dowladda Burundi ayaa gebi ahaanba eedahaasi beenisay.

Todobaadkii la soo dhaafay 26 qof ayaa lagu dilay weerrar ka dhacay tuulo ku taal Galbeedka Burundi, oo waxaa dilka gaystay baa la leeyahay dad loo maleeyay inay doonayaan inay carqabaladeeyaan aftida.

Codbixinta Khamiista ayaa waxa ay dheelitir u tahay heshiiskii 2005-tii kaas oo soo afjaray dagaalkii ba’naa ee sokeeye ee dalkaasi ka socday.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka walaacsan tahay suuragalnimada in qalqalaasaha uu mar kale soo laba kacleeyo.

 

BBC SOURCE

COMMENTS
LINKS