Dalka Congo Ayaa Lagu Arkay Cadaymo Muujinaya Xanuunka Ebolo Magaladda Mbandaka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalka Congo Ayaa Lagu Arkay Cadaymo Muujinaya Xanuunka Ebolo Magaladda Mbandaka.
May 17, 2018 - Written by Wariye:

_101601620_b4e4e04a-dbef-44f6-b810-7580038748cbHargeisa(wjn):-Wasiirka caafimaadka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ayaa xaqiijiyay in kiis caabuqa Ebola ah lagu arkay magaalada Mbandaka ee Waqooyi Galbeed, halkaas oo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof.

Heer cusub ayey arrintaasi galinaysaa cudurka Ebola ee haatan ka dilaacay magaalooyinka, taas oo ah xaalad ay durbaba walaac ka muujisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Ka hor xitaa inta uusan xaqiijinin wasiirka caafimaadka ee Congo kiiskaan cusub ee xanuunka Ebola, ayaa waxaa jiray warar sheegaya in nin kasoo laabtay aas ka dhacay baadiyaha oo u kusoo laabanayay magaalada ku taalla waqooyi galbeed ee Mbandaka, laga helay xanuunka.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan xaaladdo xun oo kiisaska xanuunka Ebola ah.

Maalintii Arbacada ee shalay in ka badan afar kun oo dawooyinka talaalka tijaabada ah ee xanuunka Ebola, ayaa hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa ay gaarsiisay dalka Congo, taasi oo ah qeybtii ugu horeysay sideed kun oo dawooyin ah oo ay hay’addu horey u balan qaaday.

Wasiirka caafimaadka ee Congo, Oly Ilunga Kalenga, ayaa sheegay in barnaamij nidaamsan oo wax looga qabanayo xanuunka Ebola uu bilaaban doono maalmaha fooda inagu so ohayo.

Dawooyinka ay hay’adda WHO balan qaaday ayaa qeyb ka ahaa tijaabooyiin isku day oo soconayay xiligii uu xanuunka Ebola uu ku faafayay dalal badan oo galbeedka Afrika ah dhowr sanno ka hor.

Dadka dalka Congo iyo saraakiisha caafimaadka ee WHO ayaa doonaya in la talaallo bukaanka uu soo ritay xanuunkan Ebola iyo tiro badan oo ah dadka ay la sameeyeen xiriir sida ugu dhaqsiyaha badan.

 

BBC SOURCE

COMMENTS
LINKS