Talaabadda Madaxweyne Biixi Ee Tallo Wadaag. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talaabadda Madaxweyne Biixi Ee Tallo Wadaag.
May 17, 2018 - Written by Editor:

Madaxweynaha Qaranka ayaa isugu yeedhay labeenta ka kooban qaybaha Bulshadda oo safka hore ay kagga jiraan Madaxdii Qaranka ee hore iyo kuwa maantu.

Si isku aragti iyo dareen loogga noqdo duufaanadda colaadeed iyo hujuunadda hinaasaha iyo quudhi waagga ku dhisan ee Somaliland laggu hayo.

Kulankaasi waxaa si weyn looggu gorfeeyey ilaalinta Qarannimadda iyo shacabka reer Somaliland nabadgelyadoodda.

Madaxweynahu taladda waxuu dhexda u dhigay in Qaranka la wadda leeyahay, oo loo simanyahay waxii dhib iyo dheefa.

Waxaannu kulankiisu daarnaa in Mucaarid iyo Muxaafid dhiigga loo shubo Qaranka iyo difaaciisa, markii ay timaaddo.

Waanna amuurta keentay in Madaxweyne Biixi kulan la qaato labeenta ama madaxda Qaranka guud ahaan, kuwa maanta iyo kuwii shalay.

Wax fiican ayaa kulankaa ka soo baxay iyo sidda qaybaha Bulshaddu diyaar ugu yahiin difaaca dalkoodda hooyo, isla markaasina waxii tabashaa dhinac layska dhiggo maanta.

Waa amuur madaxweynaha aad looggu amaanay in taladda iyo wajahidda xaladaasi shacabka iyo qaybaha kala duwan uu doorkoodda siiyo.

Waayo xaaladda dalka ayaa laggu macneeyey inay tahay mid aan loo kala hadhi karin runtii.

Maadaama ay tahay arin heer Qaran ah.

Madaxweynaha iyo madaxda Qaranku garab La,aan MA duuli karaan, ma difaaci karaan, manna duuli karaan haddii loo baahdo.

Markaa waa in la siiyaa kalsooni iyo taageero mideysan.

Muwaadin kasta xil weyn ayaa difaaca dalkiisa ka saaran.

Wax muwaadinka mideeya ayaa jira oo ah ilaalinta iyo difaaca Qaranka .

Qalinkii; Abdilahi Hassan.

 

COMMENTS
LINKS