Wasiirka Beeraha Oo Ugu Baaqay Dadweynaha Gobolada Saaxil, Awdal Iyo Salal Inay Digtoonaadaan Roob Dabaylo Wata O o Caawa Ku Soo Wajahan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Beeraha Oo Ugu Baaqay Dadweynaha Gobolada Saaxil, Awdal Iyo Salal Inay Digtoonaadaan Roob Dabaylo Wata O o Caawa Ku Soo Wajahan.
May 18, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N) Wasiirka horu marinta beeraha somaliland Axmed Muumin Seed ayaa digniin u jeediyey dadweynaha ku nool dhulka xeebaha.

Wasiir Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in  dabaylo xoog badan oo roobab wataa ay caawa soo gaadhi doonaan gobolka Saaxil iyo degmooyinka ku teedsan xeebta.

Wasiir Axmed Muumin Seed oo  bartiisa Facebook ku baahiyey qoraal uu ugu digayo dadweynaha ayaa waxa uu ku yidhi:-

Anigoo jecel inaan dareenka la Wadaago kolba Xaalada jirta dadkayga aan Masuuliyada u hayo Waxaa ilaahay mahadii ah in Roobkii ka da,ee dhamaan Gobolada dalka oo dhan Roobab aad u Wanaagsan ilaa hadana Wax dhibaato ah oo na Soo Gaadhay ma jiro

Laakiin Sida hada iga Soo Gaadhaysa Agaasima Waaxda Saadaasha hawada ee Wasaarada horumarinta beeraha Wuxuu ii Soo Sheegay in Caawa 12 habeenimo ay dabayshu Soo Gaadhayso Gobolka Saaxil iyo degmooyinka u dhow

Habeen dambana Gobolka Salal ilaa lughaya iyo bulaxaar laga yaaba in uu u Soo Gudbo buuralayda Gobolka Awdal Sidaa darteed Waxaan uga digaynaa dhamaan dadweynaha Xeebaha Soomaaliland inay Foojignaadaan ilaahayna baryaan Waa bil Rabadaane

Alaa mahad leh

 

COMMENTS
LINKS