Heshiiska (Berbera Port) Ee Somaliland Iyo Dp World. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Heshiiska (Berbera Port) Ee Somaliland Iyo Dp World.
May 18, 2018 - Written by Editor:

“Mudane Madaxweyne Maxaa Innaga Horjooga Meesha Aynu ka Helayno Ictiraafka In Aynu U Janjeendhsano”.Siyaasi Aadan Ruush

Heshiiskan Waxaa Is barkan Afar Arrimood:

1: Siyaasad

2: Saldhig milatari

3: Dhismaha dekadda iyo

4: Berbera corridor

Waxaa soo if baxay in dawladda imaaraadku xidhiidhka siyaasadeed iyo maalgelinta ay dalka ka samaynayso ay labo arrimood oo kala gaar ah ka dhigeen. Siddaas awgeed maxaynu innagu maslaxadeena siyaasadeed u luminaynaa madaama oo uu wasiiru-dawlaha imaaraadka carabtu ku soo celceliyey soomaali mideysan ayaanu aaminsanahay waxaanu cadeeyey in soomaaliland mashruuca dekadda maalgelintiisa keliya ku heshiiyeen, waxaa kale oo uu cadeeyey in dawlad ahaan aanay madaxda soomaaliland weli si fool ka fool ah u kulmin haddaay noqoto xukumaddii hore iyo haddaay noqoto tan cusuba. Arrinta saldhiga berberana muu soo hadal qaadin.

Waxaa weli aan daaha laga qaadin oo dawladda imaaradka ku lifaaqan ayaa meesha ku daahsoon waxay waayo-aragnimadda diblamaasiyadeed ina faraysaa in dawladdo reer galbeed ka danbeeyaan arrintan waana dagaal dhaqaale iyo mid istaraatiijiyadeed oo hadda dawladaha waaweyn ee caalamku tartan ugu jiraan waana afrika oo dihin meesha yoolku haystaa.

Siddaas darteed, imaaraadku waxaay xulafo la yihiin sucuudiga iyo dawladaha reer galbeedka, dawladahaasina in aynu dimuquraadiyad dhisano iyo in aay doorashooyinka innaga caawiyaan wax dhaafsan oo aay innoo ogol yihiin iima muuqato.

Haddaba siddii carruurta yaryar iyo sasabo munaafaqadi ku jirto ayey innagula macaamilaan, taasina waynu ka soo daalnay. Jamhuuriyadda soomaaliland maanta wey todoba iyo labaatan jirsatay (27 sanno), siddaas awgeed waxaa keliya ee maanta soomaaliland qancinayaa waa “ICTIRAAF” cid kasta oo aynu heshiis la gelayno maskaxdeena waxaa ku jirraa inaan ictiraaf kula gorgortano “Samir tag la,aaneed waxba kuuma soo sido” rejo reer galbeed aan ka sugnaa waay soo xidhantay.

Mudane madaxweyne maxaa innaga horjooga meesha aynu ka helayno ictiraafka in aynu u janjeendhsano .

Waddamada barriga sidda ruushka (Russia) iyo xulafadiisa waa innoo diyaar, siddii madaxweynihii masaree anwar sadaad,  kaam dheefidh (Camp David) u tag. Waayo 27 sanno ayeynu Carab iyo Reer galbeed sugaynay oo qoortu innagu dheeraatay, haddii imika la eegana innagaa quus ah.

Cad yar oo carabi innoo tuurtaana danteenu kuma jirto.  Soomaaliland-na haddii dadaalkeeda iyo horumarkeeda xawli ku dhaqaajiso waan isku tiirsanaan karnaa oo wax badan waynu iskaga filnaan karnaa. Ugu danbeyn waxaan soo jeedinayaa in wixii danteena guud ah aynu ka fiirsano caqligana ka shaqaysiino.

Allaa Mahad Leh

W/Q: Aadan Maxamuud Diiriye (Aadan Ruush)

 

COMMENTS
LINKS