Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Lagu Casuumay Shirka Lagaga Hadlayo Arimaha Somaliland Oo ka Dhacaya Dalka Belgium | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Lagu Casuumay Shirka Lagaga Hadlayo Arimaha Somaliland Oo ka Dhacaya Dalka Belgium
May 20, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N)- Goddumiyaha xisbiga waddani Dr. Abdiraxmaan Mohmed Abdulaahi Ciro iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa wiigan waxa ay socdaal dheer ku Mari doona waddamo kamidda qaradda Yurub.

Socdaalka Gudoomiyaha waxaa ku wehelinaya Ergeyga Gaarka Ah ee u qaabilsan xisbiga waddani waddamadda midowga Europe iyo qaramadda midoobey Ambassador Abdirizak Diinaari oo isku soo duba riddey Shirarka iyo munasibaddaha uu GUDOMIYE Ciro kaga qeyb gali doono waddamadda uu marayo. Waxa iyana ku wehelineysa Gudomiyaha socdaalka Marwo Faadumo Siciid oo ah la taliyaha Gaarka ah ee Arimaha dibadda ee Xisbiga waddani.

cirro and diinaari

Wefti ayaa socdaalkooda diplomasiyadeed ka bilaabi doona waddanka Belgium, caasimadda Brussels. 21-23 ku sugnaan doona iyagoo la kulmi doona madax Kala duwan oo ku sugan xarunta midowga Europe iyo wasaraddaha ARIMAHA dibadda dowladda Belgium.

Gudoomiye Ciro iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa kulamo la qaadan doona madaxda baaralamanka Addunka u qaabilsan dowladda Sweden iyo wasaradda ARIMAHA Dibadda maalmaha 24-26 bisha ayaa Gudoomiye Ciro waxu ku sugnaan doona Dalka Sweden.

Gudoomiye Ciro iyo weftigiisu Waxey usii dhaafi doonaan Dalka Denmark, 27-29 May,2018 waxa uu Gudoomiye Ciro kulamo La qaadan doona dowladda Denmark waxuna khudbadd taariikhiya ka jeedin doona Maxadka darasaadka iyo Cilmi baadhista caalamiga ah ee loo yaqaan Danish institute for international studies.

Khudbadaa Gudomiyaha ayaa noqon doonta miduu kaga hadlayo Xaaladda Maanta Dalku marayo iyo Somailand Waxey qabsatey iyo Marxaladaha Hadda ay ku jirto iyo caqabadaha hor yaala, Waxa Isna kelmadd kooban ka odhan doona Shirkaas oo ku saabsan taariihda Somaliland Ambassador Abdirizak Diinaari .

Gudomiyaha ayaa safarkisu yahey mid uu kula kulmayo dowlaha somaliland qadiyadeedda tageera waxana safarkiisu uu noqon doona mid Xog is wareysi ah iyo Arimo ku saabsan doorashadii dhacdey waxii ka qaladmey sidii loo saxi lahaa Mustaqbalka loo Xoojin lahaa dimuqradiyadda iyo dowladd wanaaga somaliland. Iyadoo mar walba caalamka La wadaagayo dareenka xisbigiisu ka qabo mar xaladda Dalku marayo.

Dhinaca kale Gudomiyaha ayaa la kulmaya dhamaan dadka ku Nool waddamadda uu tagayo Si uu ugu mahad celiyo Dadkii xisbiga tageersanaa ulana wadaago marxaladaha Dalku marayo iyo Sidda xisbiga waddani loo waddo qaab dhismeedkisa ku saabsan dib u habeynta iyo dardar galinta howlaha xisbiga.

COMMENTS
LINKS