Madaxwaynaha Jsl Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Maraykanka Ufadhiya Somaliya Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Maraykanka Ufadhiya Somaliya Iyo Qodobada Ay Ka Wada Hadleen,
May 20, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka Maraykanka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Martin Dale oo hoggaaminayey wefti balaadhan.

4

Kulankaas waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal iyo qodobo dhoora oo ay ka mid ahaayeen, iskaashiga, gargaarka, waxtarka, mucaawimada, dhaqaalaha,  iyo Aminiga, waxaana la isla meel dhigay dhammaan qodabadaasi sidii loo hirgelin lahaa loogana midho dhalan lahaa wakhtiga ku haboon uguna dhakhsaha badan.

1

Madaxweynaha waxa kulankaasi ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.

HALKAN DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS