Madaxweyne ku xigeenka Jsl Oo Kulan Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Hay’addaha Madaxa-bannaan Iyo Waxa Uu daarnaa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne ku xigeenka Jsl Oo Kulan Deg Deg Ah Isugu Yeedhay Hay’addaha Madaxa-bannaan Iyo Waxa Uu daarnaa.
May 20, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu habeenimadii xalay iyo maantaba shirar deg-dega la yeeshay Hay’adaha madaxa bannaan ee ka hawlgala Somaliland.

saylici 4

Kulankaas oo la xidhiidha sidii gurmad degdega loola gaadhi lahaa dadka ay sameeyeen duufaanadii ku dhuftay xeebaha Somaliland oo geystay khasaare naf iyo maalba leh, waxaana kulankaasi lagu go’aamiyey in dadkaasi la gaadhsiiyo cuntooyin, bustayaal iyo adeega caafimaadka sida ugu dhakhsaha badan,

saylici 3

Waxaana markii kulan kani soo dhamaaday warbaahinta la hadlay gudoomiyaha haayada qaxootiga oo faah faahin ka bixiyay khasaaraha baahsan ee uu gaystay roobabkii dabaylaha watay ee ka da,ay xeebaha somaliland ,

saylici 2

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS