Roobabkii Xeebaha Ka Da,ay Oo Khaasare Xoogan Gaadhsiiyay Xadhkaha Shirkada Somcable Iyo Somaliland Oo Gabi Ahaanba Khadka Internetku ka Go,an Yahay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Roobabkii Xeebaha Ka Da,ay Oo Khaasare Xoogan Gaadhsiiyay Xadhkaha Shirkada Somcable Iyo Somaliland Oo Gabi Ahaanba Khadka Internetku ka Go,an Yahay.
May 20, 2018 - Written by Editor:

Xadhkaha Shirkada Somcable  Oo Khasaare Culus  Soo Gaadhay  Iyo Somaliland Oo Gashay Xaalad Bilaa Internet Ah,

HARGAYSA(W,N) Boobkii Dabaylaha Watay Ee Maalmihii Udanbeeyay ka Da,ayay Xeebaha Somaliland  ayaa khasaare Xoogan Ugaystay Xadhkaha Internetka Qaada Ee Shirkada Somcable, kaasi Oo Sobobay In 24saacadood Ee Udanbeeyay  ay Somaliland Soo food Saarto   lnternet La,aan Baahsani.

BREAKIN-NEWSes

Wararka Aanu ka helay Arintan Ayaa Sheegaya in xadhkaha internetka Qaada Ee Shirka Somcable Uu ugu Yaraan sedex Meelood Oo Muhiima Uu Khasaare Culus Soo gaadhay.

Sidoo kale Wararka ayaa intaa ku Daraya in Ay Adag Tahay Waxka Qabashadoodu iyadoo wali ay roobabku ka da,ayaan Xeebaha Somaliland gaar ahaan meelaha ay waxyeeladu kasoo gaadhay shirkafa somcable,

Halka gadiidkii shirkadu udiray in ay gurmad ka galaan hawshan ay roobabku xanibeen isla markaana aanay suurto galin ahayn in ay waxka qabtaan xiligan.

Dhanka kale xogaha kasoo baxaya khasaaraha shirkada somcable ay roobabku gaadhsiiyaan ayaa tibaaxay in ay adag tahay waxka qabashadoodu iyadoo laga cabi qabo in maalmaha soo socda  Somaliland kusii jirto xaalad bilaa internet ah.

Xukuumada kulmiye ayaa shirkada somcable kooto ugu xidhay mudo 25sano ah in aan cidkale Somaliland keeni Karin xadhaha qaada internetka ee  ee bada hoos mara halka shirkada somcable ay iyadu  ka keentay dalka ay jaarka naya ee  jabuuti

Si kastaba ha ahaatee xaaladan internet la,aanta ee soo food saartay Somaliland ayaa ah mid dhaawac wayn gaadhsiinaysa dhamaan shirkadaha ku shaqeeya adeegan iyadoo dalka galisay xaalad go,doona,

Wixii kasoo Kordha Arimaha kala soco Shabakada Wararka Ee Wajaalenews.net

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS