Dawlada Kenya Oo Su,aalo Waydiinaya Afartan Qof Kadib Markii La Xaday Haayad Dawladeed. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Kenya Oo Su,aalo Waydiinaya Afartan Qof Kadib Markii La Xaday Haayad Dawladeed.
May 21, 2018 - Written by Wariye:

Hargeisa(wjn):-Madaxa laanta dembi baarista dalka Kenya ayaa waxaa uu sheegay in dad gaaraya afartan qof wax laga weydiiyay wax uu ku tilmaamay xatooyo baaxad weyn oo loo geystay hey’ad kamid ah kuwa dowladda.

George Kinoti ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in saraakiil katirsan dowladda iyo ganacsato sidoo kale wax laga weydiin doono lacag gaareysa malaayiin doolar oo laga lunsaday hey’adda qaabilsan adeega qaran ee dhalinyarada.

Horaantii toddobaadkan, kooxda ku howlan baaritaanada lacagaha la lunsaday ayaa waxaa ay shegeen in ugu yaraan sideetan milyan oo doolar laga la baxay qasnadda adeega qaran ee dhalinyarada.

Musuqan ayaa waxaa kamid ah in dadka la sheegay inay la baxeen lacagahaasi ay la yimadeen risiityo been abuur ah iyo in markale la bixiyay qarashka alaabo horay loo soo iibiyay.

Madaxa adeega qaran ee dhalinyarada iyo saraakiil sarsare oo katirsan wasaaradda dhalinyarada ay si kumeel gaar ah shaqada uga tegay jimcihii lasoo dhaafay.

Horay ayaa waxaa dalka Kenya uga jirtay hadal heyn ah in lacago malaayiin doolar laga lunsaday adeega qaran ee dhalinyarada, kaasi oo ilaa iyo imika aysan jirin cid lagu helay dembigaasi.

Adeegan qaran ee dhalinyarada ee loo soo gaabiyo NYS ayaa ah mid dhanka shaqo abuurista u qaabilsan dhalinyarada shaqo laanta ee dalka Kenya

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS