Madaxwayne Kuxigeenka jsl Oo Socdaal Dhinaca Hawada ah Kusoo Kormeeray Qaybo kamida Deegaanada Saylac Iyo Awdal Oo Khasaare Baahsan Ay Soo Gaadhsiiyeen Roobabkii Dabaylaha Watay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Kuxigeenka jsl Oo Socdaal Dhinaca Hawada ah Kusoo Kormeeray Qaybo kamida Deegaanada Saylac Iyo Awdal Oo Khasaare Baahsan Ay Soo Gaadhsiiyeen Roobabkii Dabaylaha Watay,
May 21, 2018 - Written by Editor:

SAYLAC(W,N) Madaxwayne kuxigeenka Somaliland iyo Wafti uu Hogaaminayo Oo kasoo kicitimay Dhanka dalka jabuuti ayaa Safar Dhinaca hawada kusoo kormeeray qaybo kamida Deegaanada gobolka awdal iyo salal ee khasaaraha xoogan ay soo gaadhsiyeen roobabkii dabaylaha watay ee ka da,ayay xeebaha somaliland maalmihii ugu danbeeyay kaasi oo gaystay khaasare nafeed iyo mid xooleedba sidoo kale barakicin baahsan ku keenay  kumanaan qoys oo kamida bulshada reer somaliland ee degan dhulka teedsan xeebaha dushooda,

SAFARKII HAWADA 5

SAFARKII HAWADA 2 SAFARKII HAWADA 3

Waftigan Madaxwayne kuxigeenka somaliland Uu Hogaaminayo ayaa waxa kamid ah safiirka Somaliland ufadhiya dalka jabuuti gudoomiyaha haayada qaxootiyada iyo barakacayaasha iyo qaarkamida haayadaha caalamiga iyagoo waftigani ku safrayay diyaarad khaasa oo ah nooca loo yaqaan Helicopter waxayna kormeerkoodan kusoo Indho indheeyeen deegaano kamida kuwii waxyeelada ba,ani kasoo gaadhay Roobabkii dabaylaha watay ee ka da,ay,

SAFARKII HAWADA 1 SAFARKII HAWADA 4 SAYLICI HAWADA

WIXII KASOO KORDHA KORMEERKA MADAXWAYNE KUXIGEENKA SOMALILAND KALA SOCO WAJAALENEWS

COMMENTS
LINKS