Kooxda Manchester United Oo Xiiseynaysa Saxeexa Willian | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda Manchester United Oo Xiiseynaysa Saxeexa Willian
May 21, 2018 - Written by Reporter:

Kooxda Manchester United ayaa lagu warramay inay xiiseyneyso saxeexa ciyaaryahanka kooxda Chelsea, Willian, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Ilo-wareedyo ku dhow xiddigan ayaa sidoo kale sheegaya inuu doonayo inuu ka tago Chelsea, haddii Antonio Conte uu sii ahaado macallinka kooxdaas.

WALIAN

Willian ayaa waxaa laba sano ay uga hadheen qandaraaska uu kula jiro kooxda Chelsea, mana jiraan weli wax yabooh rasmi ah oo kaga yimid Manchester United.

Willian ayaa kursiga keydka looga tagey cayaartii final koobka FA ee kooxda Chelsea ay 1-0 sabtidii kaga adkaatay naadiga Manchester United, taasi oo ahayd markii afaraad ee kursiga keydka la fariisiyo, shantii kulan ee ugu dambeeyey.

Xidhiidhka Willian iyo macallin Conte ayaa la sheegay inuu aad u xun yahay.

COMMENTS
LINKS