WAR-SAXAAFADDEED: BAAQ KU SOCDA QURBA JOOGGA SOMALILAND | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR-SAXAAFADDEED: BAAQ KU SOCDA QURBA JOOGGA SOMALILAND
May 22, 2018 - Written by Editor:

Hay’adda Qurbajoogga JSL waxay ugu baaqaysaa Jaalliyadaha Somaliland inay ka soo qaybgalaan gurmadka dadkeenna ku waxyeelloobay roobabka, isla markaana hambalyo u gudbisay Ciidamada Qaranka JSL.

Kumanaan qoys oo xoola dhaqato qorrax joog u badan, beeralay, deegaanno tuulooyin danyar ah, iyo dadweyne kaleba isugu jiray oo ku noolaa gaar ahaan deegaannada xeebaha ah galbeedka Jamhuuriyadda Somaliland ee gobollada Saaxil, Selel iyo Awdal ayaa ku waxyeeloobay roobabkii daadadka iyo duufaannada watay ee maalmihii inna soo dhaafay ka da’ay dalka kuwaasoo khasaare hantiyadeed iyo mid nololeedba ka soo gaadhay sida lagu caddeeyay warbixinaha sugan ee Madaxtooyada iyo Hay’adaha kale ee dawladda ee ka hawlgalayaaba soo bandhigeen, isla markaana warbaahinta dawladda iyo saxaafadda madaxabannaaniba wararka ku baahinayaan.

SLDA Logoo (1)

Sidii uu ku baaqay Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku hawlan gurmadka loo fidinayo muwaadiniinta waxyeelladu ka soo gaadhay masiibadan dabiiciga ah oo heerkii ugu sarreeyay loo maamulayo iyadoo laga taakulaynayo dhinacyada baahiyaha aas’aasiga ah ee nolosha ee degdegga ah sida xagga cuntada, caafimaadka, gaboodka roobabka iyo qorraxda iwm.

Hay’adda Qurbajoogga JSL ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa ay ugu baaqaysa dhammaan jaalliyadaha Somaliland ee wadamada caalamka inay ka soo qaybgalaan gurmadka iyo gargaarka biniaadanimo ee degdegga ah ee dadkeenna dhibaataysani u baahanyihiin. Waxa aan ugu baaqaynnaa dhammaan gudiyada jaalliyadaha, ururada samafalka jaalliyadaha, iyo ganacsatada Qurbajoogga ahba ee ku baahsan wadamada caalamka inay galaan is abaabul xoggaan oo isa soo garab taagaan dawladooda, shacabkooda iyo daneeyayaasha kaleba si aan ugu gurmanno dadka reer Somaliland ee waxyeelladu gaadhay oo u baahan daruuriyaadka nolosha ee raashinka, dawooyin, huga la xidho, hoy iyo gabood, iyo in laga caawiyo dib u dejin dhamaystiran deegaannadooda. Waxa aan uga barannay Qurbajoogga JSL muwaadiniin xilkas ah oo hiil iyo hoo garab taagan dadkooda xaalad kasta duruufaha yimaada.

Dhinaca kale, Hay’adda Qurbajoogga JSL oo dhambaalkan kaga wakiil ah dhammaan jaalliyadaha Somaliland waxa ay hambalyo iyo bogaadin hawada u marinaysaa xoogaga ciidamada qaranka JSL ee heeganka ugu jira difaaca dalkooda, iyo ilaalinta nabadgelyada, sharafta iyo karaamada qaranimo ee aan xaqqa u leenahay, waxanay Qurbajoogga Somaliland u caddaynayaan in niyadooda iyo qalbigooduba la jiro oo ay ku garab taaganyihiin difaaca qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasimaha Fulinta Hay’adda Qurbajoogga JSL

Ahna Ku-simaha Xilka Guddoomiyaha

Xasan Axmed Yuusuf

Hargeisa, Jamhuuriyadda Somaliland

May 22nd, 2018

COMMENTS
LINKS