Kooxda DAACISH Oo Badhtamaha Magaalada Muqdisho Ku Dilay Askari Ka Mid Ahaa Ciidanka Taraafikada Soomaliya, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kooxda DAACISH Oo Badhtamaha Magaalada Muqdisho Ku Dilay Askari Ka Mid Ahaa Ciidanka Taraafikada Soomaliya,
May 22, 2018 - Written by Editor:

Muqdisho (W,N) –  Ururka Daacish ee Somaliya ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay iyagu ka danbeeyeen weerar saacadihii hore ee Maanta lagu dilay Askari ka tirsanaa ilaalada Waddooyinka ee Magaalada Muqdisho ee Dalka Soomaaliya.

Ururka Daacish ayaa sheegatay in ay dileen sida ay hadalka u dhigeen sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya waxaana ay soo bandhigeen Sawirka Qofka toogashada geystay oo dilaya Askariga.

Daacish somaliya

Xoogaggan ka tirsan Daacish ayaa inta badan ka dagaalama gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland, hase-ahaatee marar badan oo hore ayey sheegteen dilal iyo weerarro ka dhacay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacantay weerar loo adeegsaday baabuur uu wado qof ismiidaamiye ah oo lala damacsanaa kolonyo ka tirsan ciidamada amniga ee Soomaaliya, magaalada Afgooye

 

XIGASHO Wargayska Himilomedia.com

 

COMMENTS
LINKS