“Saldhigii Emaaraadka Anigu Hadda Ayuun Baan Si Buuxda u Taageeray. Ilayn Wax Aad Shar Moodo Oo Khayr Leh Baa Jira” Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Saldhigii Emaaraadka Anigu Hadda Ayuun Baan Si Buuxda u Taageeray. Ilayn Wax Aad Shar Moodo Oo Khayr Leh Baa Jira” Cali Guray.
May 23, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)  Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)  oo kamida Saraakiisha sar sare ee xisbi xaakimka kulmiye islamarkana  kamid  Ahaa xubnihii sida wayn uga soo horjeeday saldhiga milatari ee emaaraadka carabta laga siiyay magaalada berbera ayaa  dareen ka duwan fikirkii uu ka aaminsaa soo bandhigay  kadib markii dawlada Emaaraadka carabtu ay gurmad deg deg ah ufidiyeen diyaaradahoodu dadkii waxyeeladu  kasoo gaadhay Roobabkii Duufaanta watay ee ka da,ay xeebaha Somaliland oo diyaaradaha qumaatiga u kacaan 24saacadood u danbeeyay ay gurmad gaadhsiinayeen dadkaasi.

cali-guray

Muj Cali ayaa qoraal kooban oo uu arimahaasi kaga hadlayowuxu  ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga kaga hadlay  Wuxuna Udhignaa Sidan;

“Saldhigii Imaaraadka anigu hadda ayuun baan si buuxda u taageeray. Ilayn wax aad shar moodo oo khayr leh baa jira. Oo saw dayuuradahan qumaatiga u kaca iyo C 130 Berbera soo degi maayaan oo marka aafo dabiici ahi dhacdaba gurmadka inala geli maayaan? Oo miyayno itaalba u haynay gurmadka degdega ah? Xagaaba intii hore kamaan fakirin. خير واجد saw maaha? Haa dee aniga way ila tahay

 

MUJ CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

COMMENTS
LINKS