Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool
May 24, 2018 - Written by Reporter:

Tikaraq (W,N)- Warar dhexdhexaad ah ayaa ka soo baxaya dagaal la iskugu waabariistay oo Ciidanka Somaliland iyo kuwa maamul goboleedka Puntland ku dhexmaray saaka degaanka colaada ay ka joogsan la’dahay ee Tukaraq ee gobolka Sool.

Ciidamada ayaa xabada isku bilaabay 05:30-AM aroornimo, wuxuuna dagaalka ahaa mid culus oo dhinacyada ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyada oo inta uu dagaalka socday ay aad u adkeyd in la isku helo isgaadhsiinta.

Labada dhinac ayaa ciidankoodii ugu badnaa isugu keenay aagga uu dagaalka ka dhacayay, maadaama maalmahanba ay socotay fariin u muuqatay in la isku balansanayay dagaal.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadhaya degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu si iskiis ah u joogsaday, kadib markii dhinacyadan ay kala daaleen oo aanay jirin cid kala dhexgashay, balse weli waxaa goobta laga maqlayaa dhawwaqa rasaas goos goos ah oo loo filan karo in markasta uu dagaal dhici karo.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay ilaa hadda ma cadda, balse waxaa jira khasaare kala duwan oo dhinacyadan soo kala gaadhay, iyo gaadiidka qaar oo halkaasi ku gubtay hasse ahaatee wararka ka imanaya goobaha caafimaadka labada dhinac ayaa sheegaya in la geeyay dad ku dhaawacmay dagaalka.

Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Dagaalka Kala Soco Shabakada Wajaalenews.net

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS