Qurbe joog & Qolqoljoog; Midkoodna Fadhi Uma Yaal!!!!. W/Q: Axmed Cismaan Batuun | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qurbe joog & Qolqoljoog; Midkoodna Fadhi Uma Yaal!!!!. W/Q: Axmed Cismaan Batuun
May 24, 2018 - Written by Reporter:

Maxaa da,yartii dalkiyo
Dadkii isu hiilin jiray
Dareenkoodii xanibay?
Miyuu dumay oo la nacay
Iskaashi wax deeqa iyo
Dedaalkii soo taxnaa?
Lodkii lagu diirsan jiray
Dirnaa iyadoon la dirin
Gargaarna ka daali jirin
Dabuub wali kama hayee
Miyay damiyeen nalkii?..

Ugu horayn aan xuso mahad gaara in ilaahay leeyahay,ka dibna aan codsado in samir kooban lagu dhugto qoraalkan oo aan si kooban ugu dulxaadi is leeyahay amuur maalmihii u danbeeyay hadal haynta bulshada ku badnayd oo aan saluugay waxtarka laga geystay bulsho ahaan.
Xogta inta haysa ee la socota hadii aan dhaafo, inta aan ogaal badan lahayn aan u ilimo bixiyee roob duufaan iyo dabaylo wata ayaa ka da,ay bariga africa dalalka ku yaal oo s/land ka mid tahay.
Waa nimco nusqaan wadatee geyiga somaliland meelo badan oo xeebaha iyo degaanada ku hareeraysan u badan wuxuu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh.
Sida ilo u dhuun daloolaa sheegeen dhimashadu waxay kor u dhaaftay 40 qof,waxa la la,yahay ku dhawaad 30 qof,waxaana ku le,day xoolo aad u tiro badan,waxaa dumay guryo,iskuulo,goobo caafimaad iyo beero baaba,ay.
Dhacdooyinka ugu naxdinta badan waxa ka mida wiil yar oo qoyskooda oo ahaa 8 qof kelidii ka nool intii kalana ay ku dhimatay masiibada dabiiciga ah.
Marka xaalku sidaa yahay waxaa is waydiintu tahay dadkeena dhibtaasi ku dhacday miyaynu u damqanay hadii aynu si af gobaadsi ah oo aan fal iyo gacani la socon u hadal qaadno?!
Jawaabta caqliga caafimaadka qabaa wuu ogyahay,waxaana loo baahanyahay in gurmad qaran laga galo arrintan oo aan lagu eegin labada diyaaradood ee xukuumadu kula tacaalayso.
Waxaan aad u dhaliilayaa bahda saxaafadda somaliland guud ahaan oo aan sidii loo baahnaa uga warramin xaalada jirta bulshadana ku dhalinin dareen ay ku toosto,waxa kale oo aan canbaaraynayaa ganacsatada iyo hantiileyda oo baqsay kana aamusay xaalada qalafsan ee dadkooda haysata.
Waxaan tebayaa dhalinyartii is abaabuli jirtay ee ka hawl geli jirtay xaaladaha noocan ah oo aynu ka xusi karno abaarihii,iyo shubankii dalka ka dhacay oo ay si heersare ah uga qayb qaateen da,yartaasi.
Waxaan ugu baaqayaa bulshada somaliland qurbe joog iyo qolqol joog inay fadhiga ka kacaan oo ay ka qayb qaataan samato bixinta iyo gurmadka dadkooda,sidoo kale waxaan ugu baaqayaa bahda warbaahinta inay sameeyaan barnaamijyo abaabulan oo loogu gurmanayo dadka dhibtu ku habsatay.
Ugu danbayn inama anfacayso inaynu fadhiga ku faallayno xaalada ka jirta deegaanada dhibaataysan ee dalkeena,waxaana loo baahanyahay inaynu muujino iskaashiga iyo wada jirka la inagu majeerto oo aynu ku biirno dedaalada dadkaa masaakiinta ah loogu gurmanayo.

QALINKA: Axmed Cismaan Batuun

 

COMMENTS
LINKS