Real Madrid Oo Markii Saddexaad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaysatay Koobka UEFA Champions League | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid Oo Markii Saddexaad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaysatay Koobka UEFA Champions League
May 26, 2018 - Written by Reporter:

Kooxda Real Madrid ayaa markii saddexaad oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobka UEFA Champions League kadib markii ay 3-1 ku garaacday kooxda Liverpool kulankii finalka ee magaalada Kiev ka dhacay. Real Madrid ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee intii magaca UEFA Champions league loo bixiyay tartanka kooxaha Yurub saddex xili ciyaareed oo xidhiidh ah ku guulaysatay koobkan.

Karim Benzema ayaa Real Madrid goolka furitaanka ugu dhaliyay qalad ahaa oo uu sameeyay goolhayaha Liverpool ee Loris Karius, Sadio Mane ayaa u muuqday in uu ciyaarta ka dhigay mid xiiso badan kadib markii uu Liverpool u keenay goolkii barbarraha.

Laakiin Gareth Bale oo kaydka ka soo baxay isla markaana buuxiyay booskii Isco ayaa laba gool oo cajiib ah dhaliyay waxayna Madrid guushan ku gaadhay 3-1 .

Mohamed Salah ayaa xili hore oo qaybtii hore ahayd dhaawac xanuun badan looga saaray balse sidoo kale Carvajal ayaa dhawr daqiiqo kadib isna garoonka ka baxay markii uu isna dhaawac soo gaadhay.

Liverpool ayaa isla daqiiqadii kowaad ee ciyaartaba bilawday in ay dardar xoogan ugu dhaqaaqdo dhinaca Real Madrid taas oo Los Blancos ku qasabtay in ay la tacaasho cadaadiska kaga imanayay Reds waxayna shaqada ugu muhiimsan ka dhigatay in ay difaacasho xoogan samayso.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Real Madrid guul kaga gaadhay Liverpool isla markaana ay markii saddexaad oo xidhiidh ah ugu guulaysatay koobka UEFA Champions League. Los Blancos ayaa hanatay koobkeedii 13 aad ee Champions League iyada oo halkeeda ka sii wadata taariikhda uu Zidane ka dhigayo koobka kooxaha Yurub.

 

Real Madrid's Spanish defender Sergio Ramos (C) holds the trophy after winning the UEFA Champions League final football match between Liverpool and Real Madrid at the Olympic Stadium in Kiev, Ukraine on May 26, 2018. - Real Madrid defeated Liverpool 3-1. (Photo by LLUIS GENE / AFP) (Photo credit should read LLUIS GENE/AFP/Getty Images)

KIEV, UKRAINE - MAY 26: Jordan Henderson of Liverpool walks past the UEFA Champions League trophy following the UEFA Champions League Final between Real Madrid and Liverpool at NSC Olimpiyskiy Stadium on May 26, 2018 in Kiev, Ukraine. (Photo by Shaun Botterill/Getty Images)

KIEV, UKRAINE - MAY 26: Jurgen Klopp, Manager of Liverpool walks past the UEFA Champions League trophy following the UEFA Champions League Final between Real Madrid and Liverpool at NSC Olimpiyskiy Stadium on May 26, 2018 in Kiev, Ukraine. (Photo by Shaun Botterill/Getty Images)

ldUVPRGfSsWt91wWWdEG_skysports-mo-salah-liverpool_4321424

COMMENTS
LINKS