WAJAALE NEWS

School-ka Abaarso: Iftiinka Baxaaya, Ishii Buktaay ku Bikaacso: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Baryahan dad xumaha jecel oo samaha neceb ayaa weerar ku soo qaaday sumcadda dugsiga Abaarso ee Somaliland mahadisay. Guddiga sare ee waalidiinta ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay dhaqanka, akhlaaqda, nolosha, tayada waxbarashada iyo xidhiidhka dhaw ee ka dhexeeya waalidka, ardayda iyo maamulka dugsiga.

Marka la soo gaabiyo dugsiga Abaarso wuxuu soo saara arday dhammaystiran oo dhinac kastaba ka dhisan. Waxbarashadu kama mudna aqoonta kale ee lagu barbaariyo ardayda sida ciyaaraha kala duwan, hoggaaminta, dulqaadka, isku kalsoonaanta, waddaniyadda iyo caawinta bulshada jilicsan; heerka tayada tacliintu waxay u dhiganta kuwa dalalka horumaray.

Muddo yar oo dugsigu jiray waxa deeq waxbarasho lagu abaal mariyay ilaa 200 oo arday(Hablo iyo Inamo) oo toos u galay qaar ka mid ah jaamacadaha ugu magaca weyn dunida sida: Harvard, MIT, Yale, Colombia, George Washington University iyo qaar kale oo ku yaalla waddamo kale.

Akhrista muwaadin ku darso oo in ay ardaydu ku safraan Passport-ka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ku galaan Maraykanka iyo dalalka kaleba.

Maamulka dugsigu iyaga oo tixgelinaya ama ixtiraamaya caqiidada umadda waxay ku dadaalan sidii ardayda loogu xoojin lahaa aqoonta iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee dadka guushu dhibayso waxay u qaybsamaan afar qaybood oo kala ah:-

Gabogabo

Weerarka Sumcad dilka ah ee lagu hayo School-ka Abaarso waa qayb ka mid ah dagaalka wajiyada badan ee ka dhanka ah Somaliland. Waxa se hubaal ah maamulka iyo macallimiinta naftood hureyaasha ah, ardayda iyo waalidiinta oo is garabsanaya kuma niyad jabi karaan dacaayado rakhiis ah oo ma xishoode soo dhoob dhoobay, mana aha markii u horaysay ee daacayadahan oo kale laga fidiyo dugsiga Abaarso iyo iftiinka baxaaya.

Ugu dambeyn Coldoonow waxba ha soo guubaabin cadowga Somaliland, xukumadda iyo hay’addaha amnigu way ku filan yihiin sugidda ammaanka ardayda iyo macallimiinta dugsiga Abaarso iyo muwaadiniinta kaleba.

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

Exit mobile version