Farmaajoy Waxaad Diidan Tahay Waan Fahanay, Somalilandna Ka Duruqsan Halkaad Ka Day-Dayeyso, Qalinka: C.S.F(Jeesto). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Farmaajoy Waxaad Diidan Tahay Waan Fahanay, Somalilandna Ka Duruqsan Halkaad Ka Day-Dayeyso, Qalinka: C.S.F(Jeesto).
May 26, 2018 - Written by Editor:

Markii  Looga  Sii  Darey,

Ee  Cudur  Darmaan  Galey.

Laga  Gubey  Dameeraha,

Dulucdeedu  Waxay  Tahay,

Dawga  Aada  Boorama,

Kuma  Geeyo  Daafeed.

Waa  maansadii  (Daba-taxan),  Beydad  ka  mid  ah  oo  uu  lahaa  Marxuumkii  (A.U.N),  Macalin , Mufakir, Muhandis,  Mukhtaric, Maanso-yahan  Maxamed  Xaashi  DHamac  (Gaariye), Rabbigu  qabriga  haw  nuuree  waxaan  uga  socdaa  wiilka  dhalan-habawsan  ee  Madaxweynaha  Soomaliya  ah  laguna  magacaabo  Maxamed  C/laahi  Maxamed  (Farmaajo) ,  Oo  aan  u  maleeyey  in  ay  Somaliland  iyo  Soomaaliya  iskaga  eekaadeen  sida  ka  muuqata  hadalkii  uu  ka  jeediyey  Masaajidka  maanta  isagoo  carab-baabey  dhex-dhexaadin  dagaalka  tuka-raqeed  ee  u  dhexeeya,  Dawlada  Somaliland  iyo  maamul-gobaleedka  Soomaaliyeed  ee  Puntland, Runtii  waxaad  moodaa  madaxdan  danbe  ee  Soomaaliya  iney  marerka  qaarkood  si  waali  ah  xadhkaha  u soo  goostaan  yagoo  maalin  cad  ku  riyooda   arimo  aan  sugneyn  taariikh  ahaan  iyo  hogaamin  ahaabna.

Madaxweyne  farmaajo  waxa  uu  ka  dhawaajiyey  iney  direen  Ciidamo  kala  dhex-gala  Somaliland  iyo  Puntland  balse  arintani  noqoneyso  riyo  maalin  cadey  ah,  Markaa  waxa  uu  is  bidayaa  si  waxay  Somaliland  tahay  maamul-gobaleed  ay  xukumaan  ama  ay  gacanta  ku  hayaan  marka  aad  ka  istaagto  dhinaca  itaalkoodana  yagaa  u  baahan  wax  gar-gaara  ama  caawimo  oo  shisheeye  ilaaliyaa,  Waxa  kale  oo  ka  dhiman  imika  Fucaada  ama  jiilasha  imika  qabta  hogaanka  dawlada  Federaalka  ah  Ee  Soomaaliya  waxan  la  yidhaahdo  Sooyaalka  ama  taariikhda  umada  Soomaalida  ah  oo  aan  inta  badan  is  idhaahdo  fucaadan danbe  waxay  daliishadaan  kutubta  iyo  buugaga  uu  qoro  ninkan  la  yidhaahdo  Dr.Saadiq  Eenaw  oo  isagu  gabi  ahaanba  ka  il-duufa  waayihii  kala  duwanaa  ee  Taariikhda  faca-weynee  Soomaalidu  soo  martey  isla  markaana  soo  qaata  malo-awaalo  iyo  majaro-habawyo  been  ah  oo  umadaha  qoryaha  laysugu  dhiibayo,  Qaladaadkani  in  badan  ayuu  dhacay  madaxda  danbe  ee  Soomaaliya  iney  qiiro  la  soo  fadhiistaan  war-baahinta.

Anaga  ka  Somaliland  ahaan  waxaan  leenahay  madxafyo  ama  diwaano  waaweyn  amaba  aan  idhaahdee  Maktabado  Sooyaal  oo  nool  kuwaasoo  leh  waayo-aragnimo  iyo  xeel-dheeri  Soomaali  oo  dhami  ku  kalsoon  tahay,  Waxana  ka  mid  ah  madxafyada  aan  danbaabno  Qoraaga  weyn  ee  (Xuseen  Cali  Ducaale,  Cawil) iyo  ( C/raxmaan Aw  Yuusuf  Ducaale ,  Boobe), Kuwaasi  ayaan  dheer  nahay  soomaalida  inteeda  oo  aan  soo  tabin  Sooyaal  qaldan  balse  umadooda  u  xafidey  taariikh  iyo  ma  guurto  waxay  lahaayeen  ama  umada  soomaalida  ka  dhaxeysay,  Waa  mahad  Allee  xataa  yaga  kama  hayno  in  la  midoobey   balse  waxaan  ka  haynaa  in  lays-raacey  oo  kaliya, Hadaba  ku  dhaqanka  taariikhdayada  anagu  Somaliland  ahaan  cidna  marti  ugama  nihin  dawladnimadayada  waayo  waa  mid  aan  hore  u  lahayn,  Hadana  aan  leenahay  ,  Waligeedna  aan  lahaan  doono, Cidase  gurigeedii  oo  ololaya  ka  sheekaysaneysa  Hargaysa  ama  Burco  amaba  Laas-caanood  waa  cid  yadu  laf-ahaanteed  been  isu  maaweelinaysa  waxaanen  leenahay  adeer  waa  halkii  Marxuumkee  Dawga  Aada  Boorama  Kuma  Geeyo  Daafeed.

Socod-baradnimo  iyo  agnaanimo  midkay  doonto  ha  ahatee  waxa  ugu  filan  taamilo  ama  cibaaro  bal  qiyaasa  labada  dal  halkay  kala  taagan  yihiin  dhinac  walba  ka  eegoo  waa  Soomaaliya  Iyo  Somaliland,  Farmaajona  mid  baan  xasuusinayaa  hadii  aynaan  sineyn  inagu  maxaan  u  yeelanaa  wada  hadalada  Somaliland  Iyo  Soomaaliya  halkaa  waxa  kaaga  maqaamka  laba  dawladood  oo  wada  xaajoonaya,  Adiguse  Puntland  wada  hadal  ma  yeelan  kartaan  waayo  waa  maamul  aad  xukunto  waxaana  kuu  cadeyna  maal-galintii  Dp-Word  ee  Bosaaso  waxa  goob-joog  ahaa  heshiiska  Wasiirka  Qorsheynta  Qaranka  Soomaaliyeed, Laakiinse  Somaliland  kaligeed  ayaa  lala  heshiiyey  yada  oo  ay  madaxdeedu  hor-kacayeen,  Markaa  waa  kuu  nasiib  daro  inaad  ku  riyootaa  waxaan  kuu  suura-galeyn  xagayaga  waliba  waxaan  umadaha  dheer-nahay  maslaxo  iyo  isu  tanaasul  dawladnimo  iyo  dimuqraadiyadi  ku  dheehan  tahay,  Oo  aan  lahayn  turxaan  iyo  isu  tuur-tuur  imika  idinkaa  xaalada  xumeyna  anagana  na  kalifaya  ,  Maxaa  wacay  waxaad  noqoteen  Walaalkii  Loo  Xiiraw  Adna  Soo  Qoyso.

Farmaajoy  xil  kalena  waxa  uu  kaa  saaran  yahay  inaad  diyaariso  course  ku  tacaluqa  taariikhda  Soomaalida  waayo  waxaa  badatey  tuush  carerkiina,  Shaley  ayey  aheyd  Sanadkii  2012kii  markii  uu  Wasiirka  war-faafinta  iyo  Wacyi-galinta  ahaa  Jamhuuriyada  Somaliland  Mudane  (Sooyaal-maal  Cabqariya  C/raxmaan   Aw  Yuusuf  Ducaale ,  Boobe),  kuna  suntan  shir-saxafadeedkii  labaad  ee  uu  soo  saaro  amintuna  ay  aheyd   July  14keedii   maalin  Axada   isagoo  u  aqli  celinaya  kuyar  oo  sidaa  halawsan  oo  xiligaasi  ahaa  Raysal-wasaaraha  Soomaliya  waa  C/wali  Gaaska  Puntlandne, Kaasi  oo  isna  ka  sheekeeyey  arin  riyo  qaawana  kuna  saabsanaa  amuuraha  gaarka  ah  ee  Somaliland  aaney  cidna  la  wadaagin  haba  yaraatee   hase  badnaatee,  Waxaanen  ka  xasuustaa  weedhihii  qoraagu  ugu  fal-celiyey  adeer  wiil-yahaw  dhumayaa   horta  waa  mide  lama  Midoobin,  Layskumana  biirin,  waa  lays  raacey ,  Laba  is-raaceyna  halkay  doonaan  way  ku  kala  hadhi  karaan  waliba  yagoon  waxa  isu-ogeyn  maxaa  yeelay  marka  horeba  meel  ay  u  wada  socdeen  ooy  ku  heshiiyeen  mey  taasin  ilaa  imika  waxaan  ku  guud-mari  Dawga  aada  Boorama  Kuma  Geeyo  Daafeed.

Xaga  milgaha  iyo  sharafta  Qaranka  jamhuuriyada  Somaliland  waxaad  ka dheehan  kartaa  Madaxweynaha   yaga  Dhiiran  Ee  geesiga  ah  (Mudane  Muuse  Biixi  Cabdi),  Ee  dad-yaqaanka  ah,  Deegaan-yaqaanka  ah,  Sooyaal-maalka  ah,  Dhamaan  Soomaali  iyo  Geeska-afrika   badankii  aqoon  buuxda  u  leh,  Aan  agnaan  ka  aheyn  waxay  galaan  iyo  waxay  gudaan,  Ruug-cadaa  hodan  ku  ah  hal-adeyg  iyo  go,aan  hogaamiyenimo  oo  ilaa  imika  isagoo  idinka  karti  iyo  awoodba  badan  hadana  darmo-nabadeed  aan  ka  talaabsaneyn  wixii  gar-daro  keento  mooyaane,  Horta  farqigaasaa  inoo  dhaxeeya  Farmaajoy  waxaan  leenahay  hogaamiye  idiin  ab-tirinaya  oo  aanu  jirin  maanta  mandaqada  Geeska-afrika  wax  la  waayo-aragnimo  ahi,  Ilaahey  cimrigiisa  ha  raajiyee  kaasi  baa  amintan  ku  suntan  qaranimada  Somaliland  runtiina  isagaa  u  ah  muunad  iyo  midab  laga  dheehan  karo  hamiga  iyo  himilada  fogaatey  ee  uu  Qarankan  Somaliland  heeganka  ugu  jiro  inuu  heegadiisa  ka  cabo,  Waa  xaqiiqo  biyo  kama  dhibcaana  ineynu  isu  jirno  maanta  inta  adiga  iyo  Madaxweynaha  Somaliland  Mudane:  Muuse  Biixi  Cabdi  aad  isu  jirtaan,  Waa  sababtaan  anuu  kuugu  jawaabayo  Madaxweynaha  yagu  kuuma  qalmo  inuu  kuu  fal-celiyo.

Guntiyo  gaba-gabadii  waxaan  ku  soo  af-meeri  dagaalka  tuka-raq  maanta  waan  ognahay  iney  abaabuleyso  ama  ay  aloosayso  dawlada  Soomaaliya  ee  aad  Farmaajoy  hogaamineyso,  Sababtuna  ay  tahay  ka  xumaanta  iyo  ka  soo  hor-jeedida  hana-qaad  midho-dhaley  ee  ay  Somaliland  ka  ciyaartey  doorka  Maal-gashiga  Iyo  Dibloomaasiyada  Geeska-afrikaha  cusub  ee  mustaqbalka  dhaw  uu  ina  hayo  iba-furankiisu  waqti-xaadirkana  ay  ina  dul-taagan  tahay  daruurtiisii, Hadaba  anagoo  waxaasoo  dhan  fahansan  oo  waliba  xaaladaha  og  waxaanu  mar  kasta  qaadanaynaa  inaan  talaabadayada  aan  dib  u  celino  waayo  waxba  ma  soo  sido  dhiig  daataa  oo  Soomaaliadaa  Tidhaahda  (Nimaad  Fadhiga  Kaga  Adeg  Tahay  Looma  Sarakaco),  Waxaa  yadna  muuqata  doorka  wadamada  dariska  ee  gurmadka  aafooyinka  Somaliland  dhamaantood  way  mahadsan  yihiin,  Waana  mid  ay  Somaliland  ka  kasbatey  mandaqada  ay  ku  taalo  yadoo  nabad  iyo  caano  mar  kasta  calan-side  ugu  ah.

Qalinka:  C/raxmaan   Sayid  Faarax(Jeesto).

Diplomatic  Annalism.

Gabiley/Somaliland.

 

COMMENTS
LINKS