Shacabka Reer Masar Oo Dhaawaca Maxamed Salah Ku Tilmaamay Mid Ula Kac Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shacabka Reer Masar Oo Dhaawaca Maxamed Salah Ku Tilmaamay Mid Ula Kac Ah
May 28, 2018 - Written by Reporter:

Dhawaaca soo gaadhay cayarahayan Maxamed Salaax ee ku khasbay inuu cayaartii kama dambaysta ahayd ee horyaallada Yurub ka baxo markii ay socotay 30 daqiiqo ayaa cadho wayn ka dhaliyay baraha bulshada Masaarida.

 

Cayaaryahanaka reer Masar Maxamed Salaax ayaa dhaawac kasoo gaadhay garabka bidix kaddib markii Captain-ka kooxda Real Madrid Sergio Ramos uu lugtiisa ku dhuftay xilli ay ku hirdamayeen kubadda.

Salaax oo ilimeenayay xilligii uu ka baxayay garoonka ayaa wadno xanuun ku riday dad badan oo tageerayaashiisa ah kuwaaso baraha bulshada kala socday.

Boqolaal kamid ah dadka baraha bulshada istcmaala ee Masaarida ayaa qoraallo luqadda Carabiga ah isku weydaarsanayay kuwaaso kumanaan jeer lagu sii baahiyay barta twitter-ka.

Waxayna intooda badan ku sheegeen dhaawaca soo gaadhay Maxamed Salaax mid ‘si ula kac ah loo gaystay’.

Mid kamid ah dadka isticmaala twitter-ka, wuxuu yidhi “Noloshayda ma arag reer Masar oo sidan u walaacsan, Ramos! maxaad samaysay?”

Qof kale ayaa sidan ku hanjabay ” Masaarida waxay u soo socdaan Ramos waa haddii Salaax uu ka baaqsado koobka adduunka dhaawaca dartiis”

‘Dhammaanteen waan ku garab taagannahay’

Inta badan dadka Masaarida waxay ka walaacsan yihin xaaladda caafimaad ee Maxamed Salaax islamarkaasna waxay u muujinayaan tageero wayn oo ay ku leeyihiin: “Dhammaanteen waxaan nahay reer Liverpool”

Wasiirka cayaaraha ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga Liverpool Salaax uu xulkiisa qaranka uga qayb geli doono koobka kubadda cagta adduunka ee bisha dambe ka dhacaya dalka Ruushka.

Wasiirka cayaaraha Masar Khaliid Cabdul Caziiz ayaa boggiiisa Facebook ku sheegay in baadhitannada ay sheegayaan in Salaax uu dhaawac kasoo gaadhay lafaha garabka xidhiidhiya, balse ay rajaynayaan in muddo labo toddobaad ah uu ku bogasado.

Madaxweynaha Masar Cabdul Fatax Al-Sisi ayaa u rajeeyay Maxamed Salaax caafimad dege deg ah.

Markii ay dhamaatay cayaarta kama dambaysta ah, ayaa safiirka Ingriiska u fadhiya Masar John Casson wuxuu sheegay in ‘ qof kasta uu walbahaaray, Ramos dartiis, waad boogsan doonta Abuu-Makka uu uga la jeedo Salaax, waad kasoo muuqan doonta koobka adduunka, waana ku garab taaganahay’

ilaa xilliggaasi, waxaa billaabmay dacwad dhanka online-ka ah oo loogu baaqaya waaxda maamusha cayaaraha Yurub iyo adduunkaba inay tallaabo ka qaadan Ramos, in ka badan 166,000 oo qof ayaa taageertay go’aankaasi.

COMMENTS
LINKS