WAJAALE NEWS

Zinedine Zidane oo Ka Tagay Kooxda Real Madrid

Zinedine Zidane ayaa ka tagay kooxda Real Madrid ,  ka dib markii uu u horseeday kooxda in ay ku guulaystaan koobka Champions League.

Zidane ayaa sheegay in kooxda ay u baahan tahay “cid kale “.

Zidane ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay “in wax waliba ay isbadaleen” waana taa sabab aan go’aanka u qaatay” ayuu yidhi.

Zinedine Zidane ayaa ka tagaya kooxda Real Madrid isaga oo hormuud u ahaa in kooxda ay saddex jeer oo is xig-xiga ay horyaal ku guulaysato.

Waxaa xilka tababaraha kooxda uu qabtay bishii January 2016.

“waan jecelahay naadiga,” ayuu yidhi.

“Waxa aan aaminsanahay ayaa ah in kooxdan ay sii waddo guusheeda , balse waxa aan filayaa in ay u baahan tahay isbadal waana taa sababta aan go’aanka u qaatay.”

Zidane, oo 45 jir ah ,ayaa xilka Real Madrid la wareegay ka dib markii shaqada laga ceydhiyay Rafael Benitez.

 

 

Exit mobile version