Lampard oo loo magacaabay Macallinka Derby | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Lampard oo loo magacaabay Macallinka Derby
May 31, 2018 - Written by Reporter:

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea iyo xulka England, Frank Lampard ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda Derby County oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee dalka Ingiriiska.

Lampard wuxuu sheegay in shaqada loo magacaabay aysan noqon doonin mid fudud, kadib marki uu saxeexay heshiis saddex sana ah.

Wuxuu noqday macallinkii todobaad ee ay Derby magacawdo muddo saddex sano gudahood.

Lampard, oo ah 39 jir, wuxuu intiisa badan waayihiisii ciyaareed lasoo qaatay Chelsea.

Ka hor magacaabistan, wuxuu mid ka mid ah taleefishinada dalka UK u ahaa fallanqeeya cayaareed.

 

COMMENTS
LINKS