Loolanka sawirrada ‘Hore iyo Danbe’ ee qabsaday baraha bulshada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Loolanka sawirrada ‘Hore iyo Danbe’ ee qabsaday baraha bulshada
June 6, 2018 - Written by Reporter:

Mar kasta oo aad booqato ama furto mid ka mid ah baraha bulshada kuwada xidhiidho gaar ahaan Facebook-ga waxaa markiiba kaa soo hor baxaya baratan ama tartan dhinaca sawirrada ah oo u dhaxeeya dadka isticmaala kuwaa oo is bar bardhig ku sameynaya sawirka muuqaalkii qofka ee sanado ka hor iyo kan maanta.

Dhab ahaan lama oga wakhtiga la bilaabay sheekadan iyo qofka bilaabey intaba hasse ahaatee waxaa xusid mudan in ay noqotay arin xiiso badan dhalisay islamarkaana soo jiidatay dareenka iyo xusuusta dad badan oo ku taxan baraha bulshada.

Mar marka qaar waxaa la odhran karaa waa maad iyo qosol marka sawirrada ay aad u kala fogaadaan muuqaalkii hore ee qofka iyo kan hadda gaar ahaan dhinaca qaab dhismeedka Jidhka, Midabka iyo Labiska intaba.

Inkastoo dadka isticmaala is bar-bardhiggan u badan yihiin da’yarta, haddana mar marka qaar waxaad ku arki kartaa dad caan ah oo qaarkood siyaasiyiin ka mid yihiin kuwaa oo laftirkooda qeyb ka noqonaya loolanka dhinaca sawirrada ah ee socda.

Sawirrada qaarkood ee lagu soo bandhigayo baraha bulshada waxaa ay muujinayaa sida ay u kala durugsan yihiin agabkii loo adeegsan jiray wax-sawirrada wakhtiyo fog iyo Tiknoolajiyadda xilligan la isticmaalaayo madaama siwarrada ugu badan ee dhalinyarradu isticmaalayaan wakhtigan lagu qaado Telleefoonnada casriga ah ee gacanta, iyadoo xitaa qofku awood u leeyahay in uu doorto hadba midabka uu doonayo in uu sawirkiisa u ekaado.

Haweenka kuma badna is bar bar dhiggan taasoo lagu macneeyay in aysan dooneynin marnaba intooda badan in ay bulshada la wadagaan muuqaalkoodii hore iyo kan maanta ‘’Sababtu-se Lama Oga’’

Dad badan ayaa rumeysan in sawirradan lagu qaldi karo maskaxda bulshada madaama sanadihii ugu danbeeyay ay aad u bateen wax yaabaha leysku qurxiyo, taasoo macnaheedu noqonayo in aan loo qaadan karin midabka qofka iyo dhaldhalaalka ka muuqda wakhtigan mid sax ah.

Ma’aha oo kaliya arin ku kooban sawirka qofka Loolankan socda, laakiin dadka qaar ayaa is barbar dhig ku sameeynaya muuqaalo ka tarjumaya siyaasada iyaga oo hadba xoojinaya aragtida ay taageersan yihiin, qaar kaloo dadkan ka mid ahna waxaa ay soo bandhiggayaan dhismayaal sida Dugsiyo Waxbarasho oo dib loo dayactiray iyo xarummo caan ah.

 

COMMENTS
LINKS