Maamulka Wakaalada Biyaha Hargaysa Oo Tahli kari Waayey Wax Ka Qabashada Nidaamka Liita Ee Shaqo, + Shacabka Caasimada Ku Jahawareeray Lacago Xad dhaafa Oo La Dul Dhigay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maamulka Wakaalada Biyaha Hargaysa Oo Tahli kari Waayey Wax Ka Qabashada Nidaamka Liita Ee Shaqo, + Shacabka Caasimada Ku Jahawareeray Lacago Xad dhaafa Oo La Dul Dhigay.
June 6, 2018 - Written by Editor:

Hargeisa(W.N):- Waxaa Labaddii Cisho ee Ugu Danbeeyey Shacabka Ku Nool magaalada Hargeisa Jahwareer Baahsan Galiyey kadib markii aqal ama guri kasta oo ay ugu jirto qasabadi la dul keenay waraaqaha qaansheegta ah ee wakaalada Biyaha taas oo ay ku qortan tahay saddex jibaar lacagtii hore looga qaadi jiray bishii oo aan u dhaweyn xadiga biyaha ay isticmaaleen iyo qiimaha lacagta lagu soo dalacay waxaana taasi khasabtay in bulshada badankeedu kusoo qulqulaan xarunta wakaalada biyaha hargeisa iyagoo markaasi la hortaga cabashooyin baaxad leh oo ay ka qabaan arrintan.

WAKAALADA BIYAHA

Wallow ay dhawaan shaaciyeen qaar kamida masuuliyiintan ku magacaaban wakaalada biyaha hargeisa in la kordhiyey qiimaha biyaha ee magaalada hargeisa oo lagu daray lacag ka badan tii hore looga qaadi jiray haddana lacagahan xaaraanta ah ee ay bulshadu sida fiinta ugu qaylyeen ayaan ahayn tan lagu kordhiyey islamarkaana ka badan iyadoo xaafadii hore u isticmaali jirtay bishoo dhan qiimo dhan ilaa boqol kun oo shilin la dul keenay lacago aan u dhaweyn oo ah saddex boqol iyo wax ka badan taas oo aan ahayn isticmaalka ay sheegtay saacadaha biyaha ee guryaha ugu jira iyo wax u dhawtoona.

Waxaa iyaduna Taa Kasii daran habacsanaanta Shaqo ee Liidata Oo Sababtay Inay Shacabka kala Duwan ee Cabashooyinka Qabaa ay gabi ahaanba Waayeen Cid Ka Qancisa dhibaatadaasi oo sababtay in ay bulshadu ku Jaahwareeraan Is dhexyaac aan wax qabad lahayn oo ka jira xarunta wakaalada biyaha hargeisa iyadoo kaliya ay muuqato in ay shaqeynayaan qaybaha lacag qabashada ee wakaaladu oo bulshada lagu qasbayo inay bixiyaan lacagahan xaaraanta ah ee aaney isticmaalin islamarkaana aan hore loogu qaadin jirin oo dadweynaha qaarkood loogu hanjabayey in haddii aaney bixin lacagtaasi laga jari doono biyaha.

Iyadoo shacabka caasimadu markooda horeba la ildaranaa biyo la,aan xataa kuwa ay qasabaduhu ugu jiraan aanay helin biyo ku filan.

Mid Kamida Hooyo cabashadan qabta oo  Ay Afaafka hore ee wakaalda biyaha hargeisa ay  kula kulmeen qaar kamida hawlwadeenada shabakada caalamiga ah ee Wajaalenews.net ayaa U Sheegtay in Markii ay uga warantay Lacagtan Lagu Soo Qoray iyo qiimaha lacagtii laga qaadi jiray wakhtigii ay isticmaalaysay oo ay sidato foojaradii loogu jaray lacagahaa hore ee ay bixisay ayaa ku tawaawacday in Shacabkii hargeisa ka anfariirsan yihiin isbedelkan aanaan hore u arag, Waxaana ay Intaasi ku Dartay hooyadani “Hooyo Waxan Deganahay degmada 26june waxaan Labadii cisho ee u danbeeyey kusoo noqnoqnayey meeshan inkaarta qabta, wali maan helin cid ilahay taqaana oo iga qancisa lacagtan aanaan qabin ee khasabka ku bixi lanagu leeyahay waxan ka imid guri ay ku nool yihiin afar qof haddana waxay igu soo qoreen lacag dhan 569,000  kun oo Somaliland shilin ah, ilahay uunbaan u cabanaynaa”. Hooyadan oo aanu waydiinay inay u tagtay masuulka ugu sareeya wakaalada oo ay kala hadashay cabashadeedan ayaa sheegtay in askari uu ka celiyey albaabka maareeyaha oo ay islahayd wax ha kaala qabto cabashadan aan hore loo arag.

Sidoo Kale Shacabka Magaalada hargeisa oo u badan dad danyar ah islamarkaana isha kaliyaata ee ay ku nool yihiin ahayd biyaha ayaa ay u muuqataa inay saameyn Taban ku yeelanayso Talaabadan Ay Qaadeen Maamul Wakaalada Biyaha Hargeisa oo Doonaya In Hal Maalin Ay kagaga Taajiraan Dhiiga Shacabkan Ay Daashadeen Duruufaha Nololeed ee Kala duwani.

Waxay ahayd Dhawaan markii Warbaahinta Maxaliga ah ay Wax Ka Waydiisay madaxweynaha Qaranka Somaliland  Muuse Biixi cabdi Korodhka lagu sameeyey Qiimaha Biyaha Oo Baalmarsan balanaqaadkii uu kursiga ku fuulay oo ahaa In Shacabka Somaliland Helidoonaan Biyo ku Filan islamrkaana qiimo jaban ayaa Kaga Jawaabay in Qiimaha Korodhka yimaadeen kadib markii ay Kor u kaceen Qiimaha Shidaalka iyo Saliidu.

Si kastaba ha ahaatee Lacagahan Aan Laga Fiirsan ee lagu soo rogay shacabka Magaalada iyo Shaqo Xumada Liidata ee Ka Jirta Wakaalda Biyaha Hargeisa oo ay maamulkeedu tahli kari waayeen inay wax ka qabtaan ayaa Sababi karta In Nolosha Bulshada oo Markii hore la daalaa dhacayey Sixir Barar iyo Sarif barar ay keento gadood shacab oo Si dhaba u taabanaya Nolosha bulshada oo god madow lagu sii ridayo.

La Soco Warbixino La Xidhiidha Xaaladaha Bulshada ee biyaha  yaraanta iyo qiimo korodhku isku biiray.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS