Koobka aduunka oo sideed maalmood ay ka hadhsan tahay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Koobka aduunka oo sideed maalmood ay ka hadhsan tahay
June 7, 2018 - Written by Reporter:

Koobka aduunka oo sideed maalmood ay ka hadhsan tahay ayaa weli kooxuhu waxay ku jiraan diyaargarow iyo istijaabin ay ku ogaanayaan tayada iyo qaab ciyaareedka ay la tagayso koox walba koobka aduunka.

Biljimka iyo xulka Masar oo xalay wada ciyaaray ayaa waxaa sadax iyo eber ku badisay kooxda dalka Biljimka.

Xulka qaranka Masar weli waxaa dhaawac uga maqan weeraryahankooda Maxamed Saalax oo garab ka dhaawacmay.

Maxamed Saalax ayaa ku jira sookabasashada dhaawacii ka soo gaadhay ciyaartii kamadambayska ahayd ee horyaalka Yurub ee Liverpool koobka looga qaaday

Biljimka waxaa goolasha u kala dhaliyay Eden Hazard, Maroune Fellaini iyo Romelu Lukaku oo ka mid ah raga sida weyn ay Biljimka uga tiirsan yihiin.

Dhinaca xulka Ingiriiska tababare Gareth Southgate ayaa weli kala dooran qofka uu khadka dhexe ee kooxdiisa ka ciyaarsiin doono.

Waxaa booskaasi isku haysta Dier iyo Henderson oo labadaba hadda lagu soo daray xulka Ingiriiska ee koobka aduunka tagaya

Ingiriiska ayaa ka mid ah kooxaha sanadkan isha sida weyn loogu hayo koobka aduunka waxuuna soo xushay macalin Southgate ciyaartoy aad u da’ yar.

Waxaa kaloo aad u adag sanadkan, wadamada Brazil,Jarmalka,Biljimka, Argentina iyo waliba dalka Urugway.

Afrika waxaa kooxaha adag ka mid ah Masar iyo Nigeria inkastoo ciyaarahan hadda la isku tijaabinayo labadaba laga adkaaday.

Koobka aduunka ayaa maalinta Khamiista ah ee soo socota ee 14-ka bishan ka bilaabanaya dalka Ruushka.

 

COMMENTS
LINKS