Golden State Warriors oo Qarka u Saaran Hanashada Koobka NBA-da Mareykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Golden State Warriors oo Qarka u Saaran Hanashada Koobka NBA-da Mareykanka
June 8, 2018 - Written by Reporter:

Naadiga kubadda koleyga ee Golden State Warriors ayaa qarka u saaran inay hanato koobka NBA-da Mareykanka mar kale, kadib markii guusheedii 3-aad ee is xiga ay ka gaadhtay ciyaaraha finalaha koobkan kooxda Cleveland Cavaliers.

Ciyaartan oo ka dhacday guriga kooxda Cleveland Cavaliers habeenkii Arbacada, ayaa halyeyga kooxdaasi LeBron James waxau u aheyd habeen xun.

Golden State Warriors forward Draymond Green (23) drives against Cleveland Cavaliers guard George Hill (3) during the second half of Game 1 of basketball's NBA Finals in Oakland, Calif., Thursday, May 31, 2018. (AP Photo/Ben Margot)

Waxa kooxda Warriors ay 110-102 kaga adkaatay kooxda Cavaliers. Ciyaartoyga ka muuqday kulankaasi waxa uu ahaa Kevin Durant oo dhaliyay 43 dhibcood.

Steph Curry oo ka mid ah ciyaartoyada ay ku duusho Warriors-ka ayaan u muuqan sidii uu ahaa kulankii kan ka horeeyay, balse kooxdiisa ayaa haddii ay badiso kulanka kale ee soo socda waxay noqon doontaa horyaalka kubadda koleyga mar kale.

Ciyaaryahan finalaha NBA-da ayaa la ciyaara illaa iyo 7 kulan oo is xig xiga, iyadoo kooxdii ugu guulasha badnaatana ay koobka hananeyso.

COMMENTS
LINKS