Xal miyaa loo heley isticmaalka badan ee taleefoonada? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xal miyaa loo heley isticmaalka badan ee taleefoonada?
June 9, 2018 - Written by Reporter:

Shirkadaha Tiknoolajiyadda ayaa hindisaya adeeg yareynaya isticmaalka taleefoonada.

Isticmaalka saacadaha badan ee taleefoonada waa dhibaato caalami ah oo haysata bulshada adduunka, waxaana aad ugu sii daran carruurta iyo da’yarta oo maalinkii oo dhan taleefoonada ku dheygaga.

_101949918_taleefoon.gif

Moowduucan waxaa aad looga hadlay shir todobaadkan la qabtay oo looga hadlayay xagga tiknoolajiyadda casriga ah, iyada oo shirkadda soo saarta taleefoonada Apple ay soo bandhigtay adeeg cusub oo qofka u xisaabinaya inta saacadood ee uu qofka isticmaalay taleefoonka.

Sidoo kale waxa ay waalidiinta helayaan adeeg ay ku xakameeyaan inta saacadood ee uu ilmaha ama da’yarta taleefoonka ku jeedaan.

Balse dadka qaarkood waxa ay sheegayaan in ujeedka shirkadaha uusan ahayn in ay dadka caawiyaan balse uu halkaas suuqa ka galay, islamarkaasna doonayaan in ay lacag ka sameeyaan.

Waxaa aad u badan dalabka dadka ee barnaamijka caynkan ah, sidaasi darteed ayayna shirkadaha u doonayaan in ay usoo saaraan.

COMMENTS
LINKS