Haka Deyrin Weligaa Noloshaad La Deris Tahay, Ha u Doodin Abidkaa Mid Kaloo Ku Dayasho ah!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haka Deyrin Weligaa Noloshaad La Deris Tahay, Ha u Doodin Abidkaa Mid Kaloo Ku Dayasho ah!!
June 9, 2018 - Written by Editor:

“AFRICA”

Africa waxa ay lahayd dhaqan iyo nolol iyo nidaam ay isku maamusho sida dadyowga kala duwan ee aduunka ku nooliba u leeyihiin.

Waxa aynu lahayn nolol aan ku tiirsanayn cid kale oo aynu inagu xirfadeeda iyo qaabka loogu noolaanaayo deegaanka iyo dhulka ilaahay inagu abuurey ku salaysan.

Waxa aynu lahayn waxsoosar oo dadka Africa ku nooli waxa ay yaqaaneen sida ay cuntadooda waxa ay ku noolaanayaan iyo waxa ay xidhanayaan ba u sameysan jireen.

Waxa aynu aheyn umado aduunka micno weyn iyo aqoon ku soo kordhin lahaa hadii aan la inoo soo rarin dhaqano iyo aqoon ay dad kale alifeen, oo aan nolosheena laga dhigi laheyn mid ku dayasho ah.

Waa lagu soo duuley Africa waa la ina gumeystay, waxa la inaga dhigey dad daba socda dadkii ina gumeystay ee inaga baabiiyeey ilbaxnimooyinkii dhaqankii iyo nolosheenii aasaasiga ahayd.

Africa uun maahee in badan oo aduunyada ka mid ah ayaa sidan loo galay, waxa la inooga dhigey ilbaxnimo sida dadkii inagu soo duuley ay u nool yihiin, waxa maamul la inooga dhigey sida ay isku maamuulaan.

Nolosheenii xadaaradeenii hidaha iyo dhaqanka, aqoonta iyo hab maamuuska lahayd waxa laga dhigey waxba kama jiraan, markii la inagu cabirey ama dhereriyey mid aynaan inagu lahayn.

Maxamed dhimbiil

Waxa wax la baray dad inaga mid ah oo ay tacab iyo dhaqaale galiyeen si ay inoo badelaan, kuwiina ismey odhan aqoonta iyo cilmiga ka barta oo dhulkiina iyo dadkiina noloshooda waafajiya ee waxa ay noqdeen uun iyagii oo sawaaban.

Ilaa maanta waata ina haysata lagamana yaabo in ay ina anfacdo nolol ku dayasho ahi oo aynu ilaa qiyaamaha cid kale isku eekaysiino inaga oo quudhsanayna ama la ina nacsiiyey waxii aynu aheyn iyo waxii aynu laheynba.

Waxa inoo hogaamiyeyaal ah ama inoo aqoonyahan ah dad la soo dhalan rogey oo aynu u haysano dadkeenii, xaqiiqda se aan aheyn oo aad la yaabeyso qaabka ay u fahansan yihiin nolosha iyo horumarka.

Kama liidano, kama fikir yarin abuurka Alle swt waxba inaguma dheera, dadka aynu daba soconaa, waynu karnaa waynu awoodnaa in aduunka Africa laga hogaamiyo aqoon iyo nololba.

Waxa inala gudboon in aynu jeclaano oo ku faano qaarada iyo dhulka ilaahay inagu abuurey, waxa inala gudboon in aynu ka fikirno sidii aynu hormood u noqon laheyn aduunyada wax cusub iyo jiho cusub oo ka wanaagsan ta maanta u hogaamiya.

Waxa inala gudboon aqoonta aynu baraney ee maadi iyo diiniba leh in aynu ku salayno halka aynu ku noolnahay, waxa muhiim ah in manaahijta wax laga barto ee la inoo keenay inta aynu dib u eegis ku sameyno aynu iska saarno waxii aan ina anfaceyn, inta aynu sameysanayno mid inoo gaar ah.

Waxa inala gudboon in dalkasta oo Africa ahi uu yareeyo ama iska joojiyo waxa uu dunida kale ka keeno si aynu wax ula soo baxno oo wax jira u ahaano oo aan ku tiirsaneyn cid kale, baahi badan oo aan duruuf iyo daruuri aheyn oo la inagu abuureyna ka takhalusno.

“AFRICA”

Africa looma Abuurin in ay Sparepartska aduunyada kale noqoto !!!!

Maxaynu u yaacaynaa ee qaaradeena cagaaran ee wada khayraadka ah uga tageynaa?

Maxay muruqeenii iyo maskaxdeeniiba u isticmaalaayaan Asia, America, Europe ee aynu u galin waynay qaaradeena iyo dalalkeena Africa?

Dadka aduunyada ku nooli qaarad walba dadkeedaa ka dhigey mid lagu soo hayaamo oo dadka kale jeclaadaan nolosheeda, miyeynu ka dhigi kari waynay Africa meel loo soo tahriibo oo aan laga tahriibin..

Hoheey Dadkaygoow

Ha ka deyrin weligaa

Noloshaad la deris tahay

Ha u doodin abidkaa

Mid kaloo ku dayasho ah ….

Qalinkii ; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS