Colaadaha Ku Dhisan Diin La’aanta Qabyaaladeed Caafimaadkeedu Halkee Buu Ku Jiraa? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Colaadaha Ku Dhisan Diin La’aanta Qabyaaladeed Caafimaadkeedu Halkee Buu Ku Jiraa?
June 10, 2018 - Written by Reporter:

Colaadda Ceel Af-wayn ee Laba Sano Jirsatay Ee ay ku Naf Waayeen Rag badani, ku dhawacmeen Rag fara badan oo Labadda Beelood Faarax Biciide iyo Habar Yoonis Barri, Waa Cadho Rabbi iyo Cuqubo Rabbi, oo lagu Gaaloobay ku dhaqanka Shareecadda Islaamka iyo Sunnadda Nabigeena Muxammad(Scw) oo ay ka koow yihiin in Quraanka iyo Sunnadda Nabiga la Tuuro, Lagana Xukun yeesho Qawaaniin Shaydaan oo Maxkamaddaha, Barlamaanka iyo Xukuumadda Yaala oo ay Isticmaalayeen Xukuumaddihii kala dambeeyey iyo Xukuumadda M/wayne Muuse Biixi, Dagaaladaas ku dhisan Diin la’aanta iyo Qabyaaladda laga dhigtay ILLaahyo Qabiilkastaaba Sanad Qabyaaladeed ILLaah Ka Dhigtay,

Dagaaladdaas qabyaaladda ku Dhisan waxay soo taxnaayeen muddo boqol sano lagu qiyaaso ilaa intii Somaliland Xornimadeeda la soo noqotay oo beelaha Isaaqa dhexdooda ay beelo badan islaayeen, Beelaha Dhulbahantena ay dhexdooda islaayeen, marna dhulbahante iyo habarjeclo islaayeen, marna dhulbahante iyo habar yoonis islaayeen, Colaadaas sababay dhimasho badan, dhaawac badan, burbur hantiyeed iyo qax fara badan,

weli lama hayo Beelaha Somaliland intay shirwayne qabsadaan Xukuumaddihii kala dambeeyey iyo Xukuumadda M/wayne Muuse Biixi Cadaadis xoog leh ku saarayaan sidii Shareecadda Islaamka Barashadeeda, Ku Dhaqankeeda Iyo Xukun ka yeelashadeeda Loo Fulin lahaa, Inta Allaah(Swt) Loo Toobadkeenayo Xukuumad iyo Shacabwaynahaba lagu dhaqmi lahaa Shareecadda Islaamka, Inta ka horaysa ee laga warwareegayo ku dhaqanka Shareecadda Islaamka,

Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku rogmanayaan Beelaha Habarjeclo iyo Habar Yoonis, Haddii ay noqoto Gobolka Sanaag, Gobolka Togdheer, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Garxajis iyo Habar Awal, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Dhulbahante iyo Habar Jeclo, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Dhulbahante iyo Habar Yoonis, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Dhulbahante iyo Warsangeli, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Habar Awal iyo Samaroon, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Samaroon iyo Ciise, Dan iyo Muraadtoona kama lihi Haddii ay isku Rogmanayaan Somaliland iyo Soomaaliya,

Wakhti aad u badan ayaan ka Shaqaynayey Nabadda, oo aan Maqaalo Fara badan kaga Hadlay Xalka rasmiga ah ee Dhiiga Muslimka Lagu badbaadin karaa oo lagaga fogaan karayaa Dagaaladda Qabyaaladda ku Salaysan Waa ku dhaqanka Shareecadda Islaamka iyo Sunnadda Nabigeena Muxammad(Scw) !!!!!!!!.

Qoraalkaygani Waa kii ugu Dambeeyey oo aan Dib dambe Qoraal aan kaga naxayo, oo aan ku Kala joojinayo ama ku kala taageerayo Beelaha Somaliland Beel ka mida oo Beel kale Diin La’aan ay isu laynayaan Beelaha Habar Jeclo Ee aan ka dhashayna ha noqotee.

Allaahumma Balaqtu.

Illaahoow waan gaadhsiiyey Beelahaas Jaahiliintu Hogaaminayaan iyo Xukuumaddaas Ka Warwareegaysa Ku dhanka Quraankaaga Kariimka iyo Sunnadda Nabiyullaahi Muxammadd(Scw).

Allaah(Swt) Xakha ha ina Fahansiiyo, kuwii Ku Dhaqma Quraanka Kariimka iyo Sunnadda Nabigeena Muxammad(Scw) ha inaga yeelo aamiin aamiin aamiin Insha Allaah.

 

Wabillaahi Towfiiq.

 

ahmedsakatouri@hotmail.com

 

COMMENTS
LINKS