Dibadbaxyo lagaga Soo horjeedo Eritrea oo gilgilay Itoobiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dibadbaxyo lagaga Soo horjeedo Eritrea oo gilgilay Itoobiya
June 11, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (W,N)- Kummanaan qof oo ku dhaqan magaalada xuddunta u ahayd dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea ee Badme ayaa maanta sameeyay dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan go’aanka dowladda Itoobiya ay ku aqbashay heshiiskii 2002-dii ee la doonayay in lagu soo afjaro dagaalka kaaso dhigayay in magaaladaasi la siiyo Eritrea.

Dibadbaxyaashu waxay ku qaylinayeen hal ku dhigyo ay kamid yihiin “Badme waxay ka tirsan tahay Itoobiya” “waxaanu nahay Itoobiyaan ilaa aanu ka dhimanayno noqon mayno Eritrean”

Xisbiga ka arrimiya dalka Itoobiya ee EPRDF ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay shaaca ka qaaday in si dhamaystiran ay u dhaqan gelinayaan heshiiskii nabadda ee 2002-dii.

Dowladda Itoobiya waxay sheegtay inay aqbalayso heshiiskii 2002-kii oo ay soo gudbiyeen guddigii kormeerka ku tagay xadka lagu muransan yahay wuxuuna dhigayay in magaalada Badme ay qaadato Eritrea.

Arrintani waxay soo afjaraysaa dagaalkii dhanka xadka ee uga dhimashada badnaa ee qaaradda Afrika ka dhaca.

Tobbonaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkii labada sanno qaatay ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Eritrea.

 

 

8347a09a-37dc-4bc2-960e-8fafed4111d8 d130d50e-6c75-43b0-bbec-a3756c2b9be5

COMMENTS
LINKS