Mohamed Salah iyo Xulkiisa Masar oo Gaadhay Russia | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mohamed Salah iyo Xulkiisa Masar oo Gaadhay Russia
June 11, 2018 - Written by Reporter:

Mohamed Salah ayaa shalay kasoo dhex muuqday tababarki ugu danbeeyay ee ay xulka Masar ku qaateen magaalada Qahira, ka hor inta aysan isla shalayba u duulin magaalada Grozny ee Russia oo xarun u noqon doonto xulka Faraacinada inta ay socodaan ciyaarah aaduunka.

Salah oo ah 25 jir weerarka ka ciyaara, ayaa dhaawac uga maqnaa garoonada tan iyo bishi hore markaas oo uu garabka uga jabay ciyaarti finalka koobka horyaalada Yurub ee dhexmartay Real Madrid iyo Liverpool.

 

6D0F0108-ACA8-4033-805D-806983BD84EB_cx0_cy4_cw0_w1023_r1_s

Muddo 45 daqiiqo ah ayuu garoonka ku dhex-lugeynayay shalay, balse ma uusan la qaadan wax tababar ah ciyaartooyda Masar.

Dhamaan ciyaaartooyda Masar oo uu ku jiro Salah iyo macalinkooda Hector Cuper, ayay Axadi diyaarad ka qaadday magaalada Qahira. Kulankooda ugu horreeya Masaarida waxay Jimcaha soo socda la ciyaari doonaan xulka Uruguay.

Marki ay tageen magaalada Grozny ee caasimada Jamhuuriyadda Chechen ee hoostimada Russia, waxaa xulka Masar iyo Maxamed Salah soo dhaweeyay hogaamiyaha Chechen Ramzan Kadyrov, Waxaa la saadaalinayaa in Salah uu ka maqnaan doono kulankaasi.

 

COMMENTS
LINKS