La Soo Noqoshada Jamhuriyada Somaliland qiimo yar Naguma Joogto ee Naf iyo Maal baa Loo huray. Muj Aadan Ruush | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
La Soo Noqoshada Jamhuriyada Somaliland qiimo yar Naguma Joogto ee Naf iyo Maal baa Loo huray. Muj Aadan Ruush
June 11, 2018 - Written by Reporter:

Ramadaan kariim dhammaan ummadda reer soomaalilaan, waxaynu ku jirnaa bishii khayrka lahayd ee Alle ha innaga aqbalo acmaasha aynu samayno, khayrka bishan barakada lehna ha inna siiyo. Aammiin.

Intaa ka dib waxaa beryahan soo noqnoqonayey weeraro ka dhan ah dawladda soomaaliya oo ay ku soo qaaddayso jamhuuriyadda soomaalilaan taasi oo ay soo addeegsanayaan oo soo dhexmarayaan maamul goboleedka buntlaan (puntland). Dagaalkanina wax kale ma daarna nuxurka dagaalka tukaraq wuxuu  yahay in cabdiweli iyo farmaajo aay cimri dherer ka dhigtaan oo aay kurasida u sii fadhiyaan si aay u yidhaahdaan dagaalba socda doorashaddana aay ku illoowsiiyaan shacabka soomaaliya gaar ahaan kuwa buntlaan.

154

Farmaajo iyo cabdiweli waxaay u ololeenayaan inaay dhalasho iyo qabiil ku dhaataan xamarna xukumaan iyaggoo midnnimo soomaaliyeed oo afka baarkiisa ah aay maatida maqashiinayaan, waxaanse uga digayaa inaanu waqtiqu kii hore ahayn dadkuna kii hore ahayn.

Waxaa kaloo aan xasuusinayaa inay ka dhaadhacdo beelaha hartiga ee sool iyo sanaag degeni inay in ay deegaankoodii oo ay sharaf , nabad, iyo karraamo ku joogaan deggan yihiin, himiladooduna ay tahay inay soomaaliland hoggaamiyaan siddii reer awdal-ba aay u hoggaamiyeen. Soomaaliland calankii ay taagtay 1960-kii ee ay mustacmarkii ingiriiska ka qaadatay ka dibna ay si caadifad iyo soomaalinnimo jacayl ah ula midoowday koonfurta midawgaasina ku dhacay si billaa shuruud ah. Ugu danbeyntiina waay ka biyo diiday markii saamigeedii iyo wax munaasib ku ah ka weyday.

Soomaalilaan halgan iyo dagaal shacbi ayey dawladnimaddeeda kula soo noqotay 1991-kii, keliya soomaalilaan waxay la soo noqotay uun dawladnnimadeedii cidna dembi kamaay gelin lakiin iyaddaa laga galay.

La soo noqoshadda soomaalilaan qiimo yar naguma joogto naf iyo maal baa loo huray, rag baa u dhintay, carruurbaa u agoomowday, rag baa u silcay, dumar baa asay ku qaaday, dadbaa ku hanti beelay, in baa ku dhaawacantay, in kalaa xiskoodu ku wayey, qaar baa ka seexan la’a wixii dhacay ee ay soo mareen, soo arkeen, goob joogna u ahayeen. badh baa ku tacliin iyo mustaqbal waayey, dal dhan baa ku burburay, in baan diiftii iyo xannuunkii ka soo gaadhay aan illaa hadda ka bogsan.

1991-kii Soomaalilaan waxaay ku dhawaaqday la soo noqoshadii dawladnnimadeeda waxaana Soomaalilaan taagtay calan tawxiidku ku dheehan yahay. Waxaan u sheegaynaa ragga maanta Sland ku soo duulaya in maanta intii dalka dib u xoraysey u maanta xoog kale beddelay (Illaahay baa xoog leh’e)

Kuwa maanta calanka waad muquunin kartaan is lihi waa kuwo maanta Alle ku soo duulay,

“Dhexda waxaan quraankiyo

Ashahaadda ugu dhigay

Sharcigayga dhaaboo

Muslima dhabba inaan ahay….”

Waxaa kale oo aan caad naga saarnayn in reer galbeedku sababta ay Soomaalilaan u aqoonsan laayihiin ay tahay calanka barakaysan ee kalimatul tawxiidku ku dheehan yahay, hase yeeshee, wax cabsi ah kama qabno oo Illaahay ayaa na ictiraafay, aqoonsiga Soomaalilaan si aan la filayn iyo meel aan laga filayn ayuu ka imanayaa. Madaxda qarrankana waxaan u soo jeedinayaa in lagu waddo la tashigaa dhinacyada badan leh ee waayadan danbe la iskugu imanayey, midnimadda iyo wadda tashiga dhexdeenuna waxaay xabad ku tahay cadawgeena, markasta kuwii isku duubnaada ee dantooda, aayahooda, wanaagooda mid qudhau noqda Alle ha innaga dhigo, kuwii wixii dhib innagu ah ee ina qaybinaya, ee ina hagardaamaynaya, ee ina kala irdhinaya ka midowana Rabbi ha innaga yeelo. Aammiin.

Allaa Mahad Leh

W/Q: Muj Aadan Ruush

COMMENTS
LINKS