Kulan Duco Ah oo Minnesota loogu qabtay Marxuum Wariye Maxamed Adan Terra | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulan Duco Ah oo Minnesota loogu qabtay Marxuum Wariye Maxamed Adan Terra
June 11, 2018 - Written by Reporter:

Minnesota (W,N)- Kulan Duco iyo Xasuus ah ayaa Magaalada Minnesota loogu qabtay Alle ha u naxariistee Wariye Maxamed Adan Terra oo ka mid ahaa saxuufiyiinta iyo madaxdii warbaahinta Soomaaliya oo dhawaan ku geeryooday dalka Ingiriiska waxaana munaasibada lagu qabtay Xarunta masjid Ummatu Islaam ee magaaladda Minneapolis.

Waxaa igu horayn ka hadlay imaamka Masaajidka Ummatu Islaam Sh Axmed Taajir oo u duceeyey Marxuumka in ilaah naxariisto jano siiyo ,waxuuna sheikh uu sheegay in Terra warbaahinta dalka ay si aad ah uga hadashay uu na ahaa nin taariikh ku leh dalka.

Macalin Saciid Saalax Axmed ayaa isaguna ka sheekeeyey waayahii Maxamed Adan Terra iyo inuu ahaa nin curiya barnaamijyo dhaxal galay ahaa ,kuwaas oo kaalin hore kaga jiray horamarka saxaafada dalka Soomaaliya ayuu yidhi Saciid Salaax.

Faadumo Hiirad Qalayax oo ahayd gabadhii ugu horaysay ee idaacad ka hadasha ayaa ku tilmaamtay Terra iyo dhalinyaro badan oo horaantii Todobonaadkii la qoray idaacada Raadiyow Muqdisho inay ahaayeen rag kaalin toodii warbaahinta ka soo baxay oo dalka iyo dadkuba ku diirsadeen, waxay Faadumo ku tilmaatay Terra nin lahaa cod soo jiidasho leh waxayna u tacsiyeeysay qoyskiisa iyo Umuddii iyo Saxaafadii uu ka baxay.

Cabdiraxmaan Sh. Mursal oo isaguna ka mid ahaa wariyaasha Raadiyoow Muqdisho ayaa ka hadlay oo kulanka kaga waramay kaalintii uu ugu jiray Terra bahda Saxaafada kana sheekeeyey taariikhdiisii iyo sidii magaca Terra ugu baxay,isagoo ka sheekeeyey qisooyin dhacay xiligii kacaanka,wuxuuna sheegay inuu ahaa nin shaqadiisa ka adag ,lagana jecel yahay .

Qabanqaabiyaha kulankaan Ustaad Cabdiqaadir Maxamed Mursal ayaa isagu kulanka ka hadlay isagoo waayahiisa ugu badnaa isla soo shaqeeyeen xusayna shaqsiga uu ahaa Terra ,xiliyadii ay ka wada hawlgaleen Muqdisho iyo Nayroobi , ay ka wada aasaaseen Jar’aaid iyo waliba Idaacadii Iqra waxuuna sheegay inuu ahaa walaal aad ugu wayn shaqsi qaran ah ayuu ku sifeeyey Cabdiqaadir Maxamed Mursal cida uu ahaa Maxamed Aadan Terra.

ugu danbayntii waxaa isaguna ka shakeeyey Maxamed Adan Terra qayb ka mida taariikhdiisa saxaafi Axmed Yaasiin Salaad oo isaguna ka wada shaqeeeyn jireen idaacadii Iqra ee Nairobi ku taalay ,waxuuna ka xusay in Terra ahaa shaqsi afkiisa looga nabadgalaayey mihnadiisa na u isticmaalaalijiray sida saxda ah.

 

 

teer1 teera teera3 teera4 2018611636642819520183679IMG_0331

COMMENTS
LINKS