Doonyaha Tahriibayaasha qaada oo Ku soo Xidhtay Xeebta magaalada Maydh | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doonyaha Tahriibayaasha qaada oo Ku soo Xidhtay Xeebta magaalada Maydh
June 12, 2018 - Written by Reporter:

Ceerigaabo (W,N)- Labo ka mid ah Laashashka Tahriibayaasha qaada ayaa waxay ku soo xidhteen xeebta magaalada Maydh ee woqooyiga gobolka Sanaag.

Laashashkan ayaa markii ay halkaas soo gaadheen waxa inay qabtaan isku deyey ciidanka ilaalada xeebaha oo ka war helay haseyeeshee ciidanku kuma guulaysan inay laashashkaas qabtaan, waxayse ciidanku gacanta kusoo dhigeen rag laashashkaas u tegey oo loo filayo inay xidhiddh la lahaayeen laashashkaas iyo baabuur ay wateen iyo weliba mishiin nooca laashashka dheereeya ku socdaan oo sida la sheegayna laashashkaas ay kala soo degeen.

“Waxay ahaayeen laba laash oo kuwii tahriibayaasha qaadi jirey ah oo shalayto xeebta Maydh kusoo xidhtay markii la ogaadey oo ciidanka ilaalada xeebuhu damceen inay soo qabtaanna way carareen waxase ciidanku soo qabteen laba nin iyo gaadhi ay wateen oo laashashkaas u tegey iyo weliba mishiin 75 khayl ah oo ay kalasoo degeen, markaa raggaas iyo gaadhigii ay wateen boliiska Ceerigaabo ayaa loosoo gudbiyey mishiinkiina waxa la dhigay taliska ciidanka ilaalada xeebaha ee Maydh”. Sidaas waxa yidhi Maayarka Degmada Maydh Xuseen C/raxmaan Sh. Siciid. Wuxuna maayarku intaas kusii daray “Waxan filayaa colaadda jirta awgeed in qorshihii tahriibayaasha markii waddadii ay mari jireen ka xidhantay xaggeenna waddo ay maraan looga raadinayo”.

COMMENTS
LINKS