Madaxweynaha Jabuuti iyo Michael Keating oo Ka Wada hadlay Xiisada deegaanka Tukaraq | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Jabuuti iyo Michael Keating oo Ka Wada hadlay Xiisada deegaanka Tukaraq
June 12, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (W,N)- Madaxweynaha jamuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya Michael Keating waxaanay ka wada hadleen xiisadda deegaanka Tukaraq ee u dhaxaysa Somaliland iyo Maamul goboleedka Puntland.
Keating ayaa Madaxweyne Geelle u soo jeediyey in uu kaalin ka qaato daminta xiisadda gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tukaraq, Madaxweyne Geelle ayaa u sheegay Keating in dedaal uu ku bixin doono daminta colaaddan, islamarkaana aanu jeclayn ka dowlad ahaan in dhiig daato.

 

https://youtu.be/Y2QUR5diczA

 

COMMENTS
LINKS