Taliyaaniga oo si kulul uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaaniga oo si kulul uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron.
June 13, 2018 - Written by Wariye:

tahribayaal

 

Hargeisa(WJN):-Raisul wasaariha dalka Taliyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedeeyn uga timid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron,

Macaron ayaa dhaleeceeyay taliyaaniga ka dib markii ay diideen in dalkoda uu ku soo xirto Markab siday muhaajiriin laga soo badbaadiyay badda Mediterranean-ka.

Af-hayeen u hadlay madaxwayne Macron ayaa sheegay in go’aanka Taliyaaniga uu yahay mid xushmad darro ah islamarkana qayrul masuulnimo ah.

Balse Mr Conte ayaa sheegay in Taliyaaniga uusan aqbali Karin casharo munaafuqnimo oo ka yimid dalal mar waliba door bidi jiray in ay dhabarka u jeediyaan soogalootiga.

Markabkabkani lagu magacaabo Aquarius, ayaa wali ay arrintiisu taagan tahay iyada oo ay jirto in dowladda Spain ay ogolaatay in uu ku soo xirto dekadda magaalada Valencia.

Shaqaalaha markabkani ayaa waxa ay sheegeen in markabkani uusan gali Karin saddex maalmood oo safar ah iyada oo ay dad badan saaran yihiin.

Hargeisa Office
Wajaalenews.net
Wariye Abdiqadir Habbane

COMMENTS
LINKS