Dhalinyaro Baraha Bulshada ku soo bandhigay Sawiro Anshaxa ka baxsan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhalinyaro Baraha Bulshada ku soo bandhigay Sawiro Anshaxa ka baxsan
June 13, 2018 - Written by Wariye:

gggHargeisa(WJN):- Waxa dhawaan soo if baxay dhalinyaro Rar iyo Dumar isugu jira oo Arrimo Cajiib ah oo d loola aad loola yaabay ku soo ban dhigay Baraha Bulshada, kuwaasoo ka Cadhaysiiyey Dadbadan.

Dhalinyaradan Oo iskugu jira wiilal iyo gabdho ayaa bulshada la wadaagayey sawiro anshaxa dhaqanka suuban ee Soomaalida ka baxsan, Sidoo kalene Diiniyan laga dayriyey sida ay Rag iyo dumar iskugu dhag-dhaganyihiin oo aan hore loo arag  isla markaana aan la garanayan waxay ay ka turjumayaan iyo u jeedada rasmiga ah ee ka damaysa.

markasta oo aad booqatid baraha bulshadu ku wada xidhiidho ee facebook ga  waxa ay  indhahaagu qabanayaan sawirro ay ka muuqdaan wiilal iyo gabdho da`yar oo inta ay ku soo labisteen hu` modow oo isla markaana isku kala qaybiyay laba qaybood oo ka kooban rag iyo dumar dibna samaynaya ficilo kala duwan sida iyagoo laabta isku haya ama iyagoo banaynaya (Qaawinaya) qaybo ka mid ah jidhkooda, sida hablaha qaar oo lugna ku istaagaya lugna saaraha Wiilka meelo Jidhkiisa ka mid ah.hhhh

waxaa si wayn loo hadal hayaa sawiradan layaab ka leh ee wiilasha iyo  gabdhuhu ku wada jiraan  oo lagu soo bandhigay baraha bulshadu ku wada xishiidho ee loo yaqaano facebook  oo cid kasta oo isticaamsha ay aad ulla layaabayaan sawiran waxaana aad arkaysaa dadkii oo qaybta rayi dhiibashada ama loo yaqaano (Comment) iskula wadaagaya fikiro kala duwan oo ay ku kala qayb sameen dadyowga kala duwan ee isticamaala facebook-gu.

Arrintan ayaa imanaysa ka dib markii maalmo kooban uun laga nastay sawiro Mudoomiyinkii u dambeeyey aad u haystay Baraha Bulshadu ku wada xidhiidho Oo laysku waydarsanyay sawirro kala duwan oo la xidhiidha sanadkan aynu ku jirno iyo sanadihii  hore ee la soo dhaafay.

Waxana  muddo badan lagu soo celcelinayay baraha bulshada oo qofkastaa uu samaynayay in uu  is barbar-dhig ku sameeyo  sawirradiisa kala duwan ama uu wakhti fara badan ka soo wareegay iyo kuwa uu dhawaan galay.hhh

Illaa wali alaankaasi lama garanayo sababta ka dambaysa iyo u jeedada ay ka leeyihiin dadkan baraha bulshada ku soo bandhigayay inay sameeyaan is barbar-dhiga sawirada (BEFORE AND After) oo xitaa ay samaynayeen masuuliyiin xilal ka haya deegaanadda ay soomaalidu degto.Muu

arintani ayaa dad badan ka yaabisay isla markaan waxa lays waydiinayay sobobta ka dambaysa in wakhti xadirkan la soo bandhigo laba sawir oo ah sanadkan iyo sanadadii tagay.

 

Hargeisa Office

Wajaalenews.net

Wariye: Abdiqadir Habbane

 

COMMENTS
LINKS