Waqooyiga Ameerika oo martigalin doonta Koobka adduunka ee 2026 | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waqooyiga Ameerika oo martigalin doonta Koobka adduunka ee 2026
June 13, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N)- Koobka kuubada cagta adduunka ee 2026 ayaa waxaa lagu qaban doonaa waddamada Maraykanka, Canada iyo Mexico, ka dib markii ay ka guulaysteen isku daygii ay doonaysay Morocco inay ku marti galiso.

Cayaaraha 2026 ayaa noqon doona tartankii ugu weynaa ee koobka kubadda cagta adduunka ee abid la qabto, iyadoo 48 kooxood ay ciyaari doonaan 80 cayaarood muddo ka badan 34 maalmood.

_102003756_northamerica

“Kubbadda cagta ayaa ah guulaystaha kaliya. Dhamaanteen waxaan ku midaysannahay Kubadda cagta” sidaa waxaa yidhi guddoomiyaha kubadda cagta ee Maraykanka Carlos Cordeiro.

“Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin sharaftan weyn. Waad ku mahadsan tihiin kalsoonida aad nagu ixtiraamteen” ayuu sii raaciyey.

Dalalka xubnaha ka ah FIFA ee 211 ah ayaa 200 oo ka mid ah waxay codkooda ka dhiibteen shirweynihii 68aad ee FIFA ee ka dhacay Moosko maanta, iyadoo cidda guulaysanaysana ay u baahan tahay inay hesho 104 cod.

Canada, Mexico, Morocco, iyo Maraykanka ayaa laga reebay, iyadoo Ghana ay ka maqnayd, ka dib markii xukuumaddu ay sheegtay inay kala dirtay ururka K/cagta ee dalkaas, maadaama ay soo baxeen eedeymo la xidhiidha musuqmaasuq ‘baahsan’.

3 ka mid ah dhulalka uu Maraykanku xukumo oo kala ah Guam, US Virgin Islands iyo Puerto Rico ayaa ka mid ahaa dalalka xubnaha ka ah FIFA ee aan codayn.

Canada waxay hore u martigalisay koobka K/cagta adduunka ee gabdhaha sannadkii 2015.

 

COMMENTS
LINKS